Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo guddoomiyey shirka guddoomiyaasha degmooyinkooda
    January 7, 2026
    Wasiir Fiqi oo tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan Gorgor
    January 7, 2026
    Culimada Soomaaliyeed oo Muqdisho ku qabtay isu soo bax ay kaga soo horjeedaan farogelinta Israa’iil kula kacday Soomaaliya
    January 7, 2026
    Taliska ciidanka Booliiska oo warbixin ka soo saaray koox dhalinyaro abaabulan oo sameeyey banaan bax fowdo ah
    January 7, 2026
    Golaha nabadda iyo amniga ee Midowga Afrika oo soo saaray bayaan ku saabsan Soomaaliya
    January 6, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
    Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
    December 29, 2025
    Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar ย 
    December 20, 2025
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Saadaasha hawada iyo digniino ku saabsan Isbeddelka Cimilada (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Saadaasha hawada iyo digniino ku saabsan Isbeddelka Cimilada (WARBIXIN)
GudahaWararka

Saadaasha hawada iyo digniino ku saabsan Isbeddelka Cimilada (WARBIXIN)

By SB
Last updated: April 29, 2024
6 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):’Roobabkii guga ayaa si rasmi ah uga curtay deegaanno badan oo dhaca gobollada Dalka Soomaaliya, kadib markii maalmihii u dambeeyay ay jireen xaalado daran oo dhanka kulaylka ah. Roobabkaan ayaa ka daโ€™ay Puntland, Somaliland, Galmudug, Hirshabeelle , Koonfurgalbeed, Jubbaland iyo dawlad deegaanka Soomaalida ee kililka shanaad.

Gobollada dalka wararkii ugu dambeeyay waxaa ay sheegayaan in dadku ay dareemayaam jawi roobab oo aad u wanaagsan, mana jiraan khasaarooyin baaxad leh oo la soo sheegay illaa hadda, Marka loo eego roobabkii ka daโ€™ay dhowaan dalalka dariska ah ee bariga iyo bartamaha Afrika iyo xataa waddamada khaliijka , waxay ina tusayaan in loo baahan yahay dadaal ku aadan la socodaka daadad suurtagal ah in ay dhaliyaan barakac, gaar ahaan deegaannada dhaca xeebaha iyo Webiyada.

Hayโ€™adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka ee DFS ayaa digniin ka soo saartay saameynta iyo dhibaatooyinka ka dhallan kara Roobab aad u xooggan oo la filayo in 8-da maalmood ee soo socota ay ka daโ€™aan magaalooyinka Beledweyne, Buโ€™aale, Garbahaarey iyo Baydhaba, waxayna si gaar ah ay Heyaddu ugu diraysaa Dadka Barakacayaasha ah eek u nool Degmooyinkaasi, inay ka feejignaadaan waxyeelada Roobabkaan, โ€œmaadama ay yihiin Dadka ugu nugul uguna saameynta badan biyo-baxooyinka iyo fatahaadaha Dalka ka dhacaโ€ ayaa lagu yiri qoraal ay soo saartay Heโ€™yaddaasi oo soo xiganeysa warbxuin ay soo saartay Heyโ€™adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Cuntada iyo Beeraha ee FAO.

Dhinaca kale Wasaaradda Deegaanka XFS ayaa soo saartay warbixin ku aaddan saadaasha hawada iyo digniino ku saabsan Isbeddelka Cimilada, iyadoo saadaalisay in 27-ka bishan ilaa dhamaadka bishan uu roobku wada gaari doono inta badan gobollada dalka, kuwaas oo soo billowday 20-kii bishan April, iyadoo Warbixinta lagu sheegay in Webiga Shabeelle uu qatar ugu jiro in uu fataho gaar ahaan degmada Jowhar oo ay ka harsan tahay kaliya 23 cm ee billowga fatahada Wabiga Shabeelle, โ€œwaxa kale oo suurta-gal ahโ€ ayaa la lagu yiri warbixintan โ€œin ay ka dhashaan roobka daadad degmooyinka dhaca goballada Bay, Sanaag, Waqooyi Galbeed, Togdheer, Banaadir, Hiiraan iyo Gedo, kuwaas oo hakad gelin kara dhammaan isku socodka gadiidka iyo kaabayaasha nolasha guud ahaan iyadoo xaddiga roobkuna uu u dhaxeyn doono 50% ilaa 60%. Xaddiga kuleylka ayaa isna sii ahaan doona mid u dhaxeeya 32ยฐ-39ยฐ guud ahaan Soomaaliyaโ€.

Warbixinta ayaa lagu xusay in waaxda Saadaasha Hawada ee Wasaarada Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada XFS ay ku boorineyso dhammaan bulshada Soomaliyeed in ay muujiyaan taxaddar iyo feejignaan dheeri ah.

Gudoomiyaha Hayโ€™adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan Maxamed oo wali wada dadaaladii looga hortagi lahaa saameynta taban ee roobabka xiliga guโ€™ga ku yeelan karaan bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwooda nugul ayaa la qabatay kulan ballaaran oo ay ka soo qeyb galeen masuuliyiin ka socday Wasaaradaha Dowladda Federaalka ah iyo Hayโ€™adaha Maamul Goboleedyada dalka, kaasi oo ujeedkiisu ahaa dardar galinta iyo u diyaar garoowga roobabka guโ€™ga ayaa waxaa daah furtay gudoomiyaha Hayโ€™adda, iyadoo carabka ku adkeysay muhiimada ay leedahay wada shaqeynta Hayโ€™addaha Dowladda, wadaagista xogaha iyo isku xirka gargaarka.

Shirkan waxaa la isku dhaafsaday xogaha casharadii laga bartay xili roobaadyadii hore, khataraha kadhasha roobabka, agabyada loo baahan yahay iyo sidii looga hortagi lahaa, ugu danbeynna waxaa la isla gartay in lahelo xog hubanti leh oo ay dowladdu leedahay taasoo gundhig u noqota ka jawaabidda saameynta roobabka la filaayo.

Dhinaca kale Qaramada Midoobay oo walaac ka muujisay halista roobabka ee ka daโ€™aya Soomaaliya iyo dalal kale. Xafiiska Qaramada Midoobay ee isku xirka arrimaha biniโ€™aadantinimada (OCHA) ayaa warbixin cusub oo toddobaadle ah ka soo saaray xaaladda Soomaaliya iyo saameynta roobabka xilligga guโ€™ga ee ka curtay Dalka Soomaaliya.

Xafiiska ayaa sheegay in laga soo bilaabo Abriil ilaa bisha Juun la filayo in ay korsdhaan roobabka waqtiga guโ€™ga,kuwaas oo la tilmaamay in ay keeni karaan khasaarooyin nafeed iyo burbur hanta. Xafiiska Qaramada Midoobay ee isku xirka arrimaha biniโ€™aadantinimada (OCHA) ayaa xusay in tan iyo 19-kii Abriil la soo sheegayo daadad xooggan oo ay dhaliyeen roobabkii ka daโ€™ay qaar kamid ah gobolada Dalka Soomaaliya, iyadoo dhinaca kalena Bariga Afrika iyo dalal kale oo dhaca Qaaradda Afrika ayaa waxaa ka daโ€™ay roobab ka badan kuwii hore oo mahiigaan ah, kuwaas oo dhaliyay dhimasho, fatahaado iyo barakac saameeyay wadammo ay kamid yihiin dalalka Tansaaniya,Burundi iyo Kenya,Nigeria iyo kuwo kale.

Daadad iyo dhul goโ€™ ka dhacay dalka Tanzania oo ay sababeen roobab lixaad leh ayaa dilay 155 qof, halka 236 kalena ay ku dhaawacmeen, sida uu sheegay raโ€™iisul wasaaraha dalkaasi, iyadoo roobab xooggan ay ka daโ€™ayaan guud ahaan Bariga Afrika. Kenya, 35 qof ayaa la sheegay in ay ku dhinteen isniintii, waxaana weli dalka oo dhan ka jira fatahaado. Burundi, ku dhawaad 96,000 oo qof ayaa ku barokacay roobab aan kala joogsi lahayn oo bilo socday, Qaramada Midoobay iyo dowladdu ayaa sidaa sheegay horaantii bishan. Uganda ayaa sidoo kale waxaa ka dhacay duufaano waaweyn oo sababay in uu fataho wabiga, waxaana la xaqiijiyay labo dhimasho iyo dhaawac dhowr boqol oo dadka tuullooyinka ah.

Dhinaca kale,In ka badan 100 maxbuus ayaa ka baxsaday xabsi ku yaalla dalka Nigeria oo u dhow magaalada caasimadda ah ee Abuja ka dib markii roobab mahiigaan ah oo xalay ka daโ€™ay ay burburiyeen qeybo ka mid ah xabsiga, sida ay sheegeen saraakiisha xabsiga.

By. C/laahi Ruush

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo guddoomiyey shirka guddoomiyaasha degmooyinkooda

Muqdisho (SONNA): Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab)…

January 7, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Shacabka Muqdisho oo dhigay isu soo bax ay ku taageerayaa dhamaystirka Dastuurka

Muqdisho(SONNA):-Shacab-weynaha ku nool magaalada Muqdisho ayaa saaka isugu soo baxay banaanbax ay ku taageeryaaan hannaanka dhamaystirka Dastuurka KMG oo hadda…

GudahaWararka
March 25, 2024

Xeer ilaaliyaha Qaranka oo ka hadlay kiiska haweeney dil ku eedaysan

Muqdisho (SONNA): Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa cadeeyey inuu gacanta ku hayo haweeney ku eedeysan dil iyo dacwad…

Wararka
May 16, 2023

Wasaaradda Warfaafinta oo tababar u soo xirtay in ka badan 60-wariye oo doorashada tabinaya

Muqdisho (SONNA): Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiista ee XFS Mudane Daaโ€™uud Aweys Jaamac ayaa galabta tababar u soo xiray in…

GudahaWararka
December 23, 2025

Golaha wasiirrada oo ansixiyey Agaasimaha Heyโ€™adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka

Muqdisho,(SONNA):-Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddaabadlaha ahaa,ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Amniga Gudaha ee Agaasimaha…

GudahaWararka
April 4, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023