Wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka ayaa sheegay in Ruushku uusan damacsaneyn dagaal ka dib markii Washington ay ka digtay in Moscow ay weerareyso Ukraine bisha soo socota.
Sergey Lavrov ayaa maanta u sheegay warbaahinta Ruushka in Kremlin-ka aysan raadinayn colaad, balse wuxuu ku celiyay inaysan ogolaan doonin faragalin lagu sameeyo danaheeda xagga amniga ah.
“Ma jiri doono dagaal ilaa inta Ukrain ay ku xiran tahay Federaalka Ruushka, ma rabno dagaal,” ayuu ku yiri wareysi toos ah oo uu siiyay idaacadaha Ruushka.
Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa soo saaray digniin ku saabsan in Ruusha uu bisha soo socota qorsheynayo duulaan uu ku qaado Ukrain