Ciidanka Ruushka ayaa bilaabay dhoolatus ay ku sameynayaan nidaamka gantaalaha loo yaqaanno yar ee isku xidha qaaradaha, taasoo loo arko isku day kale oo Moscow ay ku muujinayso awoodeeda Nukliyeerka.
Dhoolatuskaasi,waxaa ka qeybgalaya in ka badan 3-kun ย oo militariga iyo ilaa 300 oo qalab ah,sida lagu shaaciyay bayaan maanta oo Arbaco ah ay soo saareen wasaaradda difaaca ee Ruushka .
Inta lagu jiro leyliga ciidan, nidaamyada wareegyada ee Yars ayaa sameyn doona dhaqdhaqaaqyo saddex gobol oo Ruush ah, Waxaana jira dhowr astaamood oo sheegaya in qalaka Yars uu leeyahay hawlo shaqo oo gaari kara masaafo dhan 12.000 km,kaas oo sidoo kale qaadi kara madaxyo badan oo nukliyeer ah.
Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa ujeedkiisu yahay in uu soo bandhigo ย nidaamka gantaalaha Yars,kadib kolkii ย isbedel lagu sameeyay qayb ka mid ah nidaamka Topol.
Tan iyo markii uu bilowday duulaankii Ukraine bishii February ee sanadkii hore, Ruushka ayaa sameeyay dhoolatus militari oo badan oo iskiis ah ,iyadoo sidoo kale dalalka saaaxiibka la ah sida Shiinaha iyo Koonfur Afrika ay sameeyeen tallaabadaasi mid lamid ah.