Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka tamarta iyo khayraadka biyaha oo gaaray Dhuusamareeb
    January 30, 2026
    Maamulka Cisbitaalka Erdogan oo u dabbaaldegay xuska sanadguuradii 12 aad ee aasaaska cisbitaalkaasi
    January 30, 2026
    Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhoweeyay London
    January 30, 2026
    Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya
    January 30, 2026
    wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga
    January 30, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Ra’iisulwasaare Xamse oo la kulmay safiirka cusub ee Maraykanka u fadhin doona Soomaaliya
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Ra’iisulwasaare Xamse oo la kulmay safiirka cusub ee Maraykanka u fadhin doona Soomaaliya
GudahaWararka

Ra’iisulwasaare Xamse oo la kulmay safiirka cusub ee Maraykanka u fadhin doona Soomaaliya

By SB
Last updated: June 26, 2024
2 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):- Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa la kulmay danjiraha cusub ee Dowladda Maraykanka u fadhiya Soomaaliya Mudane Richard H. Riley, iyaga oo ka wada hadlay danaha labada waddan iyo sidii loo xoojin lahaa xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya Soomaaliya iyo Mareykanka.

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa ayaa intii uu socday kulanka waxa uu ka warbixiyay siyaasadda guud ee Xukuumadda DanQaran, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda, amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada, iyo horumarrada laga sameeyay muddadii labada sano ahayd ee la soo dhaafay.

Mudane Xamsa waxa uu sheegay in Xukuumaddu ay waddo Qorshaha Isbeddelka Qaran (National Transformation Plan), kaasi oo ku saleysan hawlaha ahmiyadda u leh Xukuumadda, sida xoojinta dowlad wanaagga, kobcinta dhaqaalaha dalka iyo horumarinta arrimaha bulshada, iyada oo door muuqda ay ku leeyihiin ganacsatada iyo maalgashatada Soomaaliyeed si ka duwan qaabkii hore.

Raโ€™iisul Wasaaraha ayaa markale caddeeyay mowqifka dowladda Soomaaliya ee ku aaddan heshiis ku sheeggii sharci darrada ahaa ee Ethiopia, oo uu sheegay in marnaba Soomaaliya aanay oggolaan doonin taako ka mid ah dhulkeeda. Waxa uu intaa raaciyay in Soomaaliya ay diyaar u tahay Iskaashi Ganacsi, Dhaqaale, Amni iyo Isdhexgal, balse ay ku xiran tahay, isla markaana aanay marnaba aqbali doonin ilaa Ethiopia ay ka laabanayso damaceeda gurracan.

Danjiraha Mareykanka Mr Riley ayaa ku ammaanay dowladda Soomaaliya guulaha isdaba joogga ah ee ay ku tallaabsatay ee dhinacyada siyaasadda, amniga, dhaqaalaha iyo bulshada, isagoo ugu hambalyeeyay dowladda Soomaaliyeed ka mid noqoshada xubnaha aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay sanadka 2025 – 2026.

Safiirku waxa uu sheegay in dowladda Mareykanka ay sii wadi doonto taageerada ay siiyaan dalkeenna ee ay ugu horreeyaan dhinacyada amniga, arrimaha gargaarka iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha dalka, isaga oo xusay in shirkadaha Mareykanka ay si gaar ah u daneynayaan in maalgashi ay ku sameystaan Soomaaliya.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka tamarta iyo khayraadka biyaha oo gaaray Dhuusamareeb

Muqdisho(SONNA):-Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Bidhaan…

January 30, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Adeegyadii CID oo dib loo bilaabayo maalinta beritu ah

Muqdisho(SONNA) Iyadoo dhawaan dowladda Soomaaliya ay shaacisay in shaqaalaha dowladda ay dib ugu laabtaan shaqooyinkoodi kadib saameyntii Covid-19 ayaa waxaa…

WararkaWargayska
July 13, 2020

R/Wasaare Khayre Iyo Wasiirka Maaliyadda Norway oo ku kulmay Washington

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Washington kula kulmay wasiirka maaliyadda Norway, Siv Jensen…

Wararka
October 19, 2019

Shir ku saabsan Istiraatiijiyadda Qaran ee ka jawaabista musiibooyinka oo Muqdisho ka furmay

Muqdisho (SONNA): Guddoomiyaha hayโ€™adda maareynta masiibooyinka Qaranka (SoDMA) mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa si rasmi ah u daahfuray Shir heer…

GudahaWararka
August 20, 2025

Howlgal qorsheysan oo lagu bur-buriyay xarummo ay khawaarijtu ku lahaayeen Shabeellaha Hoose

Muqdisho (SONNA):-Howlgal qorshaysan oo ay iska kaashadeen NISA iyo ciidanka gaarka Booliiska ee Haramcad ayaa lagu bur-buriyay xarummo qarsoodi ah…

GudahaWararka
December 26, 2022

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023