Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Guddiga Wada-hadallada DF iyo Golaha Mustaqbal oo la kulmay Bulshada Rayidka
    January 31, 2026
    Ra’iisul wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya
    January 31, 2026
    Soomaaliya oo Ka Qayb gashay Kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Hindiya iyo Carabta
    January 31, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir kula qaatay magaalada Jigjiga Madaxda Gobolka
    January 31, 2026
    Madaxweynaha JFS oo si weyn loogu soo dhoweeyey magaalada Jigjiga
    January 31, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Ra’iisul Wasaare Xamse “Hannaanka doorasho ee Axmed ka wado Kismaayo waa sharci daro”
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Ra’iisul Wasaare Xamse “Hannaanka doorasho ee Axmed ka wado Kismaayo waa sharci daro”
GudahaWararka

Ra’iisul Wasaare Xamse “Hannaanka doorasho ee Axmed ka wado Kismaayo waa sharci daro”

By Kanaava Mohamed
Last updated: November 18, 2024
2 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo ka hadlayay munaasabadda xil wareejinta Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka sareeyo-gaas Odawaa Yuusuf Raage ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee Jubbaland.

Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in Madaxweynaha sharciyadda aan heysan ee Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) uu saxiixay dhammaan heshiisyada Dalka loogu jihaynayo doorashada qof iyo Codka ah, isagoo qeyb wayn ka ahaa kullmada Golaha Wadatashiga Qaranka.

“Hanaanka doorasho ee Ahmed Maxamed Islaam ka wada Kismaayo waa sharci daro, waxii ka soo baxana waa sharci daro, hal xaaraana ah nirig xalaal ah ma dhasho, mana la aqbali karo, waxaana ugu baaqayaa dadka reer Jubbaland inay tashadaan, kana tashadaan sidii ay u dhici laheyn firaaq siyaasi ah”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in Axmed Maxamed Islaam uu hor-isataag ku sameeyay horumarinta ciidanka ka howlgalo Jubbaland, una diiday inay maraan Hannaanka diiwaangelinta si ay u heleen xuquuq dhameystiran, loona dalacsiiyo saraakiisha halkaas ku sugan.

Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa ku bogaadiyey ciidanka Xoogga iyo kuwa Jubbaland howlgallada guuleystay ee ay ka wadaan halkaas, kuwaas oo Khawaarijta ka khaarajiyay horjoogayaal iyo maleeshiyaad tiro beel ah.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa horey u sheegtay in hanaanka doorasho ee Axmed Madoobe ka wada Kismaayo uusan sharciyad heysan, islamarkaana waxii ka soo baxo aysan sharci aheyn.

Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa Madaxweyne ka ahaa Jubbaland tan iyo aas-aaskii dowlad gobolleedka Jubbaland, waxuuna noqoday mas’uul-ka ugu waqti dheeree ee dowlad gobolleed Madaxweyne ka soo noqdo marka oo eego dhiggiisa kuwa kale ee dalka.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Guddiga Wada-hadallada DF iyo Golaha Mustaqbal oo la kulmay Bulshada Rayidka

Muqdisho,(SONNA):- Waxaa maanta kulan wadatashi iyo xog-wareysi ah isugu yimid Guddiyada wadahallada ee Dowladda Federaalka…

January 31, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Madaxwaynaha Hirshabeelle oo xariga ka jaray mashaariic horumarineed oo Matabaan laga hirgaliyey

Matabaan (SONNA): In ka badan 20-mashruuc oo kala duwan ayuu galabta xariga ka jaray Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi…

GudahaWararka
May 29, 2024

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaano ka tirsan Degmada Waajid ee Gobolka Bakool

Muqdisho(SONNA):-Ciidanka Xoogga Dalka Somaliyeed gaar ahaan guutada 9-aad qeybta 60-aad ayaa maanta howlgal qorsheysan oo lagu burburiyay saldhigyadii Khawaarijta ka…

GudahaWararka
July 8, 2024

Xubno ka tirsanaa Al-Shabaab oo lagu dilay Kuunyo Barroow

Muqdisho-(SONNA)-Laba xubnood oo ka tirsanaa Argagixisada Al-Shabaab ayaa lagu dilay gelinkii dambe ee Shalay duqeymo xagga Cirka ah oo ka…

Wararka
February 29, 2020

Ciidamo cusub oo ka tirsan xoogga dalka oo gaaray Raaskambooni.

Raaskambooni (SONNA): Cutubyo cusub oo ka tirsan xoogga dalka ayaa maanta gaaray deegaanka Raaskambooni ee gobolka Jubada hoose, halkaas oo…

GudahaWararka
December 4, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023