Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Maamulka Cisbitaalka Erdogan oo u dabbaaldegay xuska sanadguuradii 12 aad ee aasaaska cisbitaalkaasi
    January 30, 2026
    Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhoweeyay London
    January 30, 2026
    Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya
    January 30, 2026
    wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga
    January 30, 2026
    Ciidanka xoogga oo hawlgal ku dilay xubno ka tirsanaa khawaarijta
    January 29, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Ra’iisul Wasaare Xamsa oo soo bandhigay Guulaha Xukuumadda DanQaran oo Jirsatay Labo Sano
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Ra’iisul Wasaare Xamsa oo soo bandhigay Guulaha Xukuumadda DanQaran oo Jirsatay Labo Sano
Wararka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo soo bandhigay Guulaha Xukuumadda DanQaran oo Jirsatay Labo Sano

By Sonna Whiteka
Last updated: August 23, 2024
3 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qeyb-galay kulan dadweyne oo su’aallo lagaga waydiinayey waxqabadka Xukuumadda DanQaran oo jirsatay labo sano.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulankaas ku soo bandhigay guulaha ay xukuumaddu ay ka gaartay dhinacyada amniga, dhaqaalaha, garsoorka, adeegyada aasaasiga ah, iyo siyaasadda arrimaha dibadda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay si guul leh uga hortagtay kooxda Khawaarijta, iyada oo fulisay hawlgallo ciidan oo lagu xoreeyey in ka badan 215 goobood oo kala duwan oo ku yaal gobollada Soomaaliya.

Hawlgalladan ayaa si weyn hoos ugu dhigay falalkii argagixisadu ay geysan jireen ee lagu xasuuqi jiray shacabka Soomaaliyeed, waxaana la curyaamiyey ilihii dhaqaalaha iyo tiknaloojiyadda ay kooxdaasi ku tiirsanayd.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ku nuuxnuuxsaday guusha weyn ee ay xukuumaddu ka gaartay arrimaha dhaqaalaha, isagoo xusay in lagu guuleystay in dalkeenna laga dulqaado $4.5 bilyan oo dayn ah, kaddib markii la dhammeystiray hannaankii dayn cafinta. Wuxuu intaa ku daray in dakhliga dalka uu kordhay 25%, taas oo kaalin weyn ka qaadatay koboca dhaqaalaha dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in xukuumaddu ay meelmarisay sharciyo iyo siyaasado muhiim ah oo la xiriira, caddaaladda iyo garsoorka, isagoo sidoo kale tilmaamay in la xoojiyay la dagaalanka musuqmaasuqa iyo lacag dhaqista. Tallaabooyinkan ayaa abuurtay kalsooni dheeraad ah oo ay dadweynuhu ku qabaan nidaamka garsoorka dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku nuuxnuuxsaday in Xukuumadda DanQaran ay ka shaqeynayso sidii dalkaan looga hirgelin lahaa doorasho qof iyo cod ah, iyada oo la diyaariyey shuruucdii doorashooyinka, una gudbisay labada gole ee Baarlamaanka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa xusay guulaha la xiriira in Soomaaliya ay ku biirtay Ururka Suuqa Dhaqaalaha Bulshada Bariga Afrika (EAC), taas oo suurta gelinaysa fursado dhaqaale iyo ganacsi. Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay ku guuleysatay in laga qaaday dalkeenna cunaqabateyntii hubka ee saarneyd iyo in aan hananay kursiga Golaha Ammaanka ee QM.

Ugu dambeyntii, Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa uga mahadceliyey shacabka Soomaaliyeed taageeradooda iyo ka qeyb-galkooda kulanka, isaga oo ballan qaaday in xukuumaddu ay sii wadi doonto dadaallada ay ugu jirto horumarinta iyo nabadda Soomaaliya.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Maamulka Cisbitaalka Erdogan oo u dabbaaldegay xuska sanadguuradii 12 aad ee aasaaska cisbitaalkaasi

Qaar kamid ah mas’uuliyiinta Golaha Wasiirada,labada Aqal iyo maamulka Cisbitaalka Erdogan ayaa ka qeybgalay munaasabad…

January 30, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Madaxweyne Deni iyo Wafdi uu Hogaaminayo oo Goor-dhaw u Amba baxay Jabuuti

Muqdisho:(SONNA)-Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhaw ka amba baxay garoonka diyaaradaha…

Wararka
August 11, 2020

Madaxweynaha Hirshabeelle oo la kulmay Ku-xigeenka Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

Muqdisho (SONNA)-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa maanta la kulmay Ku-xigeenka Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya…

GudahaWararka
August 27, 2021

Amiirka Qadar Sheikh Tamim  oo boqanaya Iiraan

Amiirka Qadar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani ayaa manta oo Axad ah booanayaa dalka Iran si uu wadahadal ula…

CaalamkaWararka
January 12, 2020

Dowladda Soomaaliya oo saakay si rasmi ah dib ugu furtay Duulimaadyada gudaha Dalka.

ku dhawaad boqol cesho oo  ay xirnaayeen duulimaadyada gudaha dalka ayaa saakay si rasmi ah dib loogu furay ka dib…

Wararka
July 5, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023