Muqdisho (SONNA) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in Teknoolojiyaddu yaraysay musuq-maasuqa, sidoo kalena ay qeyb wayn ka qaadatay fududaynta bixinta mushaharaadka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in hadda adduunku u wareegay adeegsiga Teknolojiyadda, sidaa awgeed waxa ka go’an Xukuumadda diyaarinta shuruucdii lagu ilaalin lahaa ganacsatada Soomaaliyeed ee maalgelinta xooggan galisay horumarinta teknoolojiyadda maaliyadeed ee Soomaaliya.
Mudane Xamsa ayaa tilmaamay dowladdu dhiiri galinayso ganacsiyada gaarka loo leeyahay, isagoo ku bogaadiyey Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud doorka wayn ee ay ka ciyaarayso horumarinta dhaqaalaha dalka.
Ra’iisul Wasaaraha oo hadalkan ka jeediyey xiritaanka shirwaynaha Bandhigga Teknoolojiyadda Maaliyadeed ee Soomaaliya, ayaa tilmaamay in hadda dowladdu ay xoogga saareyso isticmaalka adeegsiga teknoolajiyada.