Muqdisho.(SONNA)..Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa Magaalada Muqdisho kula kulmay Madaxda qeybaha Warbaahinta ee ka howlgala caasimadda iyo gobolada dalka.
Kulankaasi,waxaa R/wasaaruhu uu kaga waramay muhiimadda ay leeyihiin warbaahinta,gaar ahaan xilligan adage e uu dalku ku jiro u diyaargarowga doorashooyinka, isagoo ku boorriyey in ay xoojiyaan doorkooda ku aadan wacyiginta bulshada.
Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska, xukuumadda Soomaaliya, mudane Cismaan Abokor Dubbe, iyo ku xigeenkiisa C/raxmaan Yuusuf al-Caddaala ayaa sidoo kale ka qeybgalay kulankaasi.