Muqdisho(SONNA):-Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la yeeshay madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor.
Ra’iisul wasaaraha iyo madaxweynaha Galmudug ayaa kulankoodan ay wada qaateen waxay diirada ku saareen arrimaha dardargelinta iyo dhammeystirka doorashooyinka, gurmadka abaaraha iyo la dagaallanka argagixisada Alshabaab.