Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe
    March 12, 2026
    Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la dardaarmay ciidan loo diyaariyay tababar dhanka dibadda ah
    March 12, 2026
    HOGGAAMIYAASHA SOOMAALIYA, JABUUTI IYO ITOOBIYA OO KULAN SADDDEX-GEESOOD AH KU YEESHAY JABUUTI
    March 12, 2026
    Wasiirka Qoyska XFS oo ka qeybgashay shir heer wasiir ah oo ka dhacay New York
    March 12, 2026
    Wanlaweyn oo ku soo baxday Tartanka Ramadaan iyo jadwalka wareegga 4-aad oo la sameeyay
    March 12, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Ra’iisul Wasaare Khayre: “Waa in aan aqbalnaa in aan ku jirno xaalad aan caadi ahayn”
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Ra’iisul Wasaare Khayre: “Waa in aan aqbalnaa in aan ku jirno xaalad aan caadi ahayn”
Wararka

Ra’iisul Wasaare Khayre: “Waa in aan aqbalnaa in aan ku jirno xaalad aan caadi ahayn”

By Sonna Whiteka
Last updated: April 1, 2020
4 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA) Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa caawa ka hadlay dhibaatada Caabuqa Corona iyo cudurka ka dhasha ee loo yaqaan COVID19, saameynta uu dalkeenna ku yeelan karo, iyo sida looga gaashaaman karo.

Ugu horreyn Ra’iisul Wasaaraha waxuu sheegay in cudurkaan uu qaar kamid ah dalalka caalamka ugu horumarsan dhaqaalaha, aqoonta, tiknoolajiyadda iyo adeegyada bulshada ee uu caafimaadku ugu horreeyo, sababta uu sidaas ugu faafana ay tahay inay yaraysteen xajmiga cudurka iyo deg- degsiiyaha uu ku fidi karo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa shirkadaha Isgaarsiinta ka codsaday inay waqtiga ugu badan siiyaan wacyi gelinta, sidoo kale ganacsatada ayuu  ugu baaqaya inaan la kordhin sicirka raashinka daruuriga ah, Wasaaradda Maaliyaddana waxuu faray in ganacsatada laga khafiifiyo canshuuraha cuntada daruuriga ah iyo dawooyinka inta dhibkani socdo, Bulshadana waxuu ka codsaday inay qaataan talooyinka caafimaad, si looga hortago qatarta ballaan ee COVID19

Ra’iisul Wasaaraha waxuu caddeeyay daawada ugu wanaagsan ee illaa iyo hadda la isku raacsan yahay waa ka hortagga, Guusha ama fashilka dadaallada ka hortaggana ay marka ugu horreeysa illaa iyo xad ku xiran yihiin qofka ama shakhsiga, iyada oo ay muhiimaddeeda leedahay dhaqanka Ummadeed iyo sida ay ugu hogaansamaan qorshayaasha iyo talooyinka Madaxdooda iyo howl-wadeennadooda caafimaadka.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ku celiyay in illaa amar dambe xirnaan doonaan Duullimaadyada dibadda iyo gudaha, iskuulada, dugsiyada Qur’aanka iyo jaamacadaha, waxuuna sidoo kale caddeeyay in lagama maarmaan ay tahay in la joojiyo dhammaan xafladaha iyo isu imaatinka ka badan 5 qofood.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tacsi u diray ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan qoyskii uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Ra’iisulwasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Nuur Xasan Xuseen, Nuur Cadde oo cudurkan ugu geeriyooday dalka Ingiriiska, Waxuu sidoo kale tacsi u diray qoysaska muwaadiniinta Soomaaliyeed ee cudurkan ugu geeriyooday daafaha caalamka, gaar ahaan dalalka Sweden, Ingiriska, Denmark, Norway iyo meelaha kale.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa caddeeyay inay muhiim tahay  in la xoojiyo foojignaanta Maadaama uu cudurkani si xooggan ugu soo badanayo Geeska Afrika

“Waa inaan aqbalnaa in aan ku jirno  xaalad aan caadi ahayn oo aan garwaaqsanaa in cudurkani dhab yahay sidaa daraadeed waa inaan muujinnaa foojignaan dheeri ah si aan dadkeenna u badbaadinno. Cudurkan sida saf-marka ah u dilaya dadka, waa cadow laga guulaysan karo lagana guulaysan doono”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

“Walaalayaal aan si wadajir ah uga shaqayno badbaadinta ummaddeenna iyo jebinta cudurkan saf-marka ah.  Awoodda dawladnimo oo dhan ayaan u isticmaali doonnaa si aan ummaddeenna uga badbaadinno saameeynta cudurkan.  Waa inaan samaynaa diyaar garowga ugu badan iyo kahortagga ugu mudan”, ayuu sidoo kale Codsaday Ra’iisul Wasaaruhu.

“Si looga hor tago cudurkan kuma filno dawladda Federaalka kaligeed, kuma filna, madaxda dawlad-goboleedyada kaligood. Waxaannu u baahannahay garabkiinna, dhegihiinna, qalbigiinna, xooggiinna iyo waa tan ugu muhiimsane dareenkiinna oo buuxa”, ayuu raaciyay Ra’iisul Wasaare Xasan.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in Dowladdu ay ka shaqayn doonto inay hergeliso qorshe lagu kabayo dhaqaalaha dalka, ganacsatada iyo deeq bixiyayaashana ay wadahadal kala geleyso sidii xal loogu heli lahaa saamaynta dhaqaale ee dalka ku imaan doona.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Guutada 17aad ee Qeybta 1aad ee Kumaanooska Gorgor ayaa howlgallo…

March 12, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

𝐑W Xamsa: 𝐰𝐚𝐱𝐚𝐚𝐧 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐭𝐚𝐜𝐥𝐢𝐢𝐧 𝐬𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐬𝐨𝐨 𝐬𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚 𝐚𝐪𝐨𝐨𝐧 𝐢𝐲𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐟𝐚𝐝 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐟𝐮𝐫𝐝𝐚𝐚𝐦𝐢𝐲𝐨 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐣𝐢𝐫𝐚

Muqdisho, Axad,(SONNA):- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa daahfuray Shirweynaha 3aad ee Waxbarashada Qaranka,…

GudahaWararka
February 9, 2026

Wasiirro ka tirsan XFS oo Bandhigga Difaaca Adduunka kaga qeyb galay Riyaadh

Muqdisho,(SONNA):- Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi oo booqasho shaqo ku jooga magaalada Riyaad…

GudahaWararka
February 8, 2026

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka oo qaabbilay Isimo ka socda Sool iyo Sanaag

Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Hay'adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed  Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa maanta xarunta dhexe ee hay'adda ku soo dhaweeyey qaar…

GudahaWararka
May 31, 2023

Ciidamadda dowladda oo howlgal qorsheysan ku dilay 23 ka tirsan khawaarijta

Baydhabo-(SONNA)-Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa hawlgal qorshaysan oo ay  ka fuliyeen deegaanka Buulo fulaay ee Gobalka Baay ku dilay 23…

GudahaWararka
August 12, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023