Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa daah-furay xarun cusub oo loogu talagalay ka hortagga weerarrada internetka.
    March 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay geerida AUN Janaraal Maxamed Cali Abokor
    March 7, 2026
    Gubadleey oo u gudubtay wareega 3-aad Tartan cilmiyeedka warbaahin Qaranka
    March 7, 2026
    Wasiirka Caafimaadka XFS oo daahfuray mashruuca baarista caafimaadka indhaha ee ardayda dugsiyada
    March 6, 2026
    Barnaamij lagu afurinaayo dadka barakacayaasha ah oo ka socda Muqdisho
    March 6, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Ra’iisul wasaaraha XFS oo kulan la qaatay sii hayaha safiirka Maraykanka u fadhiya Soomaaliya
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Ra’iisul wasaaraha XFS oo kulan la qaatay sii hayaha safiirka Maraykanka u fadhiya Soomaaliya
GudahaWararka

Ra’iisul wasaaraha XFS oo kulan la qaatay sii hayaha safiirka Maraykanka u fadhiya Soomaaliya

By SB
Last updated: February 7, 2026
2 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta kulan la qaatay Sii-hayaha Safiirka Dowladda Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya, Danjire Justin Davis, waxa ayna ka wada-hadleen xoojinta xiriirka labo-geesoodka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Maraykanka.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa diiradda lagu saaray arrimaha amniga iyo la-dagaallanka argagixisada oo dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa saaxiibada caalamiga ay ka gaartay guulo wax-ku-ool ah.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa warbixin ka siiyey Danjiraha horumarrada laga gaaray amniga dalka, dagaalka ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta ah iyo dadaallada Xukuumadda ee lagu xasilinayo deegaannada laga xoreeyay cadowga, isaga oo xusay, kana mahadceliyay in taageerada Dowladda Maraykanka iyo doorka muhiim ah ee ay ka qaadatay tababbarka, qalabeynta iyo xirfadaynta ciidamada Qaranka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa is-dultaagay muhiimadda weyn ee dowladda u leedahay in xoogaha xagjirka ah laga saaro dhul beereedka si dalka u gaaro isku filnaansho dhanka maalgashiga iyo cunnada ah.

Dhankiisa, Sii-hayaha Safiirka Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya, ayaa bogaadiyey guulaha is-daba-joogga ah ee ay gaartay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee dhinacyada amniga, siyaasadda iyo doorashooyinka dadweynaha, isaga oo xaqiijiyay in dowladda Maraykanka ay sii wadi doonto taageerada ay siiso shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee dhinacyada amniga, taakulaynta ciidamada iyo gargaarka bini’aadantinimo oo xilligan ay dowladda Soomaaliya dadaal ugu jirto sidii gurmad loo gaarsiin lahaa bulshada ay saamaysay.

Danjire Justin ayaa ku adkeyay in dowladda Maraykanka si buuxda u taageersantahay midnimada iyo madaxbanaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Ugu dambeyntii kulanka ayaa si qoto-dheer loogu wada-hadlay xaaladaha bini’aadannimo ee dalka ka taagan iyo sidii samofal loo gaarsiin lahaa malaayiinta qof ee ay abaaraha saameeyeen, iyada oo uu Ra’iisul Wasaare Xamsa, ka dhowaajiyay in Xukuumadda DanQaran, ay hirgalisay qorshe ballaaran oo isku tashi shacab iyo dowlad ah oo bulshada lagu garab-istaagayo, iyada oo saaxiibada caalamka oo uu Maraykanka ugu horeeyana looga baahanyahay in ay gacan ka gaystaan.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa daah-furay xarun cusub oo loogu talagalay ka hortagga weerarrada internetka.

Muqdisho- SONNA— Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xarigga…

March 7, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Dabkii kacay Bakaaraha oo lagu guuleesatay Damintiisa.

Muqdisho(SONNA):-Dabkii saakay hore kacay suuqa Bakaaraha ayaa lagu guuleesatay damintiisa, kaas oo khasaare nafeed iyo hantiyadeed gaystay sida uu sheegay…

GudahaWararka
March 10, 2024

Maxkamadda Ciidamada oo xukun ku ridday Rag ka tirsanaa Al-Shabaab+Sawirro

Guri-ceel-(SONNA)-Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta xukun ciqaabeed ku ridday ismiidaamiye ku fashilmay qarax uu…

Wararka
November 24, 2019

𝐌𝐮𝐧𝐚𝐚𝐬𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐃𝐡𝐢𝐫𝐛𝐞𝐞𝐫𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 | 𝟏𝟕-𝐤𝐚 𝐀𝐛𝐫𝐢𝐢𝐥 𝐇𝐚𝐥𝐤𝐮 𝐃𝐡𝐢𝐠𝐢𝐢𝐬𝐮𝐧𝐚 𝐲𝐚𝐡𝐚𝐲 “𝐆𝐚𝐜𝐚𝐧 𝐤𝐮 𝐃𝐢𝐟𝐚𝐚𝐜, 𝐆𝐚𝐜𝐚𝐧𝐚 𝐤𝐮 𝐁𝐞𝐞𝐫”

Muqdisho(SONNA):-Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ayaa maanta si wayn usoo agaasintay xuska 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐃𝐡𝐢𝐫𝐛𝐞𝐞𝐫𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚, oo sanad walba ku beegan…

GudahaWararka
April 17, 2025

Soomaaliya iyo ururka sanduuqa horumarinta Caalamiga ah ee OPEC oo heshiis kala saxiixday.

Vienna (SONNA): Wasiirka wasaaradda maaliyadda Xukumadda Federalka Soomaaliya Biixi Imaan Cige oo ku sugan magaalada Vienna ee xarunta Wadanka Austria,…

GudahaWararka
June 26, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023