Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Gudigga Doorashooyinka Qaranka oo Matabaan ka Bilaabay Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha
    March 10, 2026
    Guddoomiyaha SoDMA oo sheegay in Soomaaliya u socoto dhanka nidaamyo xooggan oo ka jawaaba masiibooyinka
    March 10, 2026
    Jaaliyadda Soomaalida ee Xadarmuut oo afur u sameeyay Safiirka Soomaaliya ee Yemen
    March 10, 2026
    Buulo burde oo ku soo baxday Tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka
    March 10, 2026
    Wasiirka xanaanada xoolaha oo qaabilay wafdi ka socda Hay’adda WFP
    March 9, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Ra’iisul wasaaraha XFS oo ka qayb galay munaasabada xilwareejinta Taliyaha Ciidanka Xoogga
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Ra’iisul wasaaraha XFS oo ka qayb galay munaasabada xilwareejinta Taliyaha Ciidanka Xoogga
GudahaWararka

Ra’iisul wasaaraha XFS oo ka qayb galay munaasabada xilwareejinta Taliyaha Ciidanka Xoogga

By SB
Last updated: February 4, 2026
2 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo uu wehliyo Wasiirka Gaashaandhigga XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xilka u kala wareejiyay Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, iyo Taliyihii hore Sareeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage, kaddib munaasabad ka dhacday Wasaaradda Gaashaandhigga.

Ra’iisul Wasaaraha oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa bogaadiyay doorkii iyo hoggaamintii Taliye Odowaa Yuusuf Raage intii uu xilka hayay, isagoo xusay in Ciidanka Xoogga Dalka ay gaareen guulo muhiim ah oo la xiriira dagaalka lagula jiro khawaarijta, isla markaana ay sare u kacday kalsoonida shacabka ee ciidankooda.

Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa Taliyaha cusub kula farey inuu sii xoojiyo dadaallada dib-u-dhiska iyo tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka, isaga oo mudnaan gaar ah siinaya difaaca dalka, ilaalinta midnimada qaranka iyo ciribtirka argagixisada khawaarijta ah.

Waxa uu carrabka ku adkeeyay in Xukuumaddu ay garab taagan tahay ciidamada, isla markaana ay ka go’an tahay inay wax ka qabato baahiyaha ciidan, mid tababar iyo mid qalabeynba.

Dhankiisa, Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in xil-wareejintani ay qeyb ka tahay hannaanka dowladnimo, wuxuuna xusay in wasaaraddu ay sii dardargelineyso dadaallada lagu horumarinayo awoodda, anshaxa iyo qalabaynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Wasiirku wuxuu uga mahadceliyay Taliyihii hore dadaalkii iyo naf-hurnimadii uu muujiyay, isagoo Taliyaha cusub u rajeeyay guul, wuxuuna ballanqaaday taageero buuxda oo dhinaca wasaaradda ah si loo xaqiijiyo amniga dalka loogana guuleysto cadowga gudaha iyo kan dibadda.

Munaasabadda xil-wareejinta, waxaa goob joog ahaa Wasiirka Amniga Gudaha, Mudane Cabdullahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga, Xildhibaan Cumar Cabdi Cali, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, S/Guuto Asad Cismaan Cabdullahi, taliyayaasha talisyada ciidamada, mas’uuliyiin, danjirayaasha dalalka Turkiga iyo ergooyinka beesha caalamka, iyo marti sharaf kale.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Gudigga Doorashooyinka Qaranka oo Matabaan ka Bilaabay Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha

Degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan ayaa si habsami leh uga bilaabatay maanta diiwaangelinta codbixiyeyaasha, taas…

March 10, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA TACSIYEEYEY GEERIDA GUDDOOMIYE MAXAMED SHEEKH CUSMAAN JAWAARI

Mogadishu(SONNA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka tacsiyeeyey geerida ku timid Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,…

GudahaWararka
June 28, 2024

Madaxweynaha JFS oo maanta Baqdaad uga qeyb-gali doona meertada 34aad ee Shirka Jaamacadda Carabta

Muqdisho(SONNA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Baqdaad ee caasimadda dalka Ciraaq kaga qaybgali doono meertada…

GudahaWararka
May 17, 2025

Soomaaliya iyo saameynta Isbedelka Cimilada

Inta badan Dunida waxaa sanooyinkii ugu dambeeyay soo kordhaayay Abaaro, Daadad, Fataahado iyo wixii la mid ah, kuwaasi oo halis…

EnvironmentGudahaMaqaalladaWararka
August 1, 2025

Madaxweynaha Jubbaland oo guddoomiyay kulan looga hadlayay dagaalka khawaarijta looga xoreynayo deegaanada Jubbaland

Kismaayo-(SONNA)-Madaxweynaha dowlad Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa guddoomiyey Kulan golaha wasiirada maamulkaas ay kaga hadleen howlgallada Khawaarijta looga xoreynayo…

GudahaWararka
July 9, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023