Muqdisho(SONNA):-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminay ayaa maanta gaaray degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellada dhexe oo ka mid ah magaalooyinka ugu muhiimsan ee dhawaan laga xoreeyay khawaarijta Alshabaab.
Wefdiga waxaa si weyn ugu soo dhaweeyay Magaalada Madaxweynaha Hirshabeelle iyo ku xigeenkiisa, saraakiisha ciidanka,xildhibaanno iyo shacabka degmada Aadan yabaal oo isu soo baxay.
Ra’iisul wasaaraha ayaa inta uu halkaa joogo waxa uu kulamo la qaadan doona saraakiisha ciidanka iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.