Kumanaan qof ayaa ka qaybgalay aaska Sadiq Al-Mahdi,Ra’isulwasaarahii hore ee Sudan ,isla markaana ahaa siyaasi caan ah iyo wadaad dhanka diinta ah.
Marxuumka ayaa shalay khamiis ku geeriyooday dalka imaaraadka , isagoo jira 84, waxa uuna u geeriyooday xanuunka Corona virus-ka .
Maanta oo jimca ah aaska Sadiq almahdi waxa uu ka dhacay magaalada caasimada ah waxaana ka soo qayb galay Kumanaan qof oo ay ku jireen madaxda xisbiga mucaaradka ee “National Umma Party “ iyo Raiisul wasaarihii hore ee Sudan .
Meydka marki uu ka soo degay garoonka diyaaradaha ee Khartuum ayaa waxaa soo dhoweeyay subaxnimadii jimcaha dad aad u tiro badan .,