Muqdisho,SONNA— Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa xarigga ka jaray Suuqa casriga ah ee Jubba HyperMarket oo ganacsato Soomaaliyeed ay ka hirgeliyeen Caasimadda dalka ee Muqdisho.
Mudane Xamsa ayaa ku ammaanay ganacsatada hirgelisay suuqan kaalinta muhiimka ah ee ay ka qaadanayaan horumarka iyo dib-u-dhiska dalka, maadama Jubba HyperMarker uu kamid yahay kuwa bilaya bilicda dalkeenna.
Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa ugu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed in ay ku kalsoonaadaan maalgashiga dalkooda, si aan ula tartano caalamka, ugana soo kabanno dib-u-dhicii gaaray dalka xiliyadii burburka.
Xukuumadda Dan Qaran ee uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa xoogga saareysa sidii dib loo soo celin lahaa kaabayaashii muhiimka u ah dalka, waxaana dhinaca kale uu tilmaamay Xamsa in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay in ay dhiirigeliso maalgashiga wadaniga ah, una sameyso shuruucdii hagi lahaa.