Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa Xafiiskiisa kula kulmay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowlad goboleedka Waqooyi bari Dr Aadan Cabdullaahi Aw Xasan.
Dhinacyadaasi ayaa ka wadahadlay xaaladda dalka,gaar ahaan sida uu maamulkaasi cusub uga qeybqaadan karo xasilinta dalka iyo sida gacan loo siin karo dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha ee ay u baahan yihiin dadka Gobolka W/Bari.
Raโiisul Wasaaraha ayaa mar kale kahadlay muhiimadda uu dhismaha maamulka Waqooyi bari u leeyahay Midnimada iyo wadajirka Ummadda, isagoo caddeeyay in Dowlad Goboleedkaasi uu yahay mid ย ku yimid rabitaanka bulshada.