Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka
    April 1, 2026
    Guddiga doorashooyinka oo Galmudug ka bixinaya kaararka cod-bixiyaasha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo daah-furay madasha isku-duwidda qaybta Beeraha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabis isweeydaarin ah ku sameeyay wasaaradaha xukuumadda Dan Qaran
    April 1, 2026
    Guddoomiye Aadan Madoobe oo shir guddoomiyey kulan ka dhacay Baydhabo
    April 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: R/Wasaare Xamsa“ Barnaamijka Rajo- Kaaba waa mashruuc Qaran”
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > R/Wasaare Xamsa“ Barnaamijka Rajo- Kaaba waa mashruuc Qaran”
GudahaWararka

R/Wasaare Xamsa“ Barnaamijka Rajo- Kaaba waa mashruuc Qaran”

By SB
Last updated: November 7, 2025
2 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cali Barre, ayaa daahfuray Mashruuca “Rajo Kaaba”, oo ah barnaamij deeq waxbarasho oo loogu talagalay haweenka Soomaaliyeed ee doonaya in ay sii wataan waxbarashada heerka labaad (Master’s Degree), si kor loogu qaado ka-qaybgalka haweenka ee tacliinta sare, horumarinta xirfadaha iyo awooddooda hoggaamineed.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa sheegay in mashruuca Rajo Kaaba uu qayb ka yahay qorshaha Xukuumadda DanQaran, ee lagu taageerayo laguna horumarinayo haweenka, si loo helo fursado siman oo waxbarasho, shaqo iyo hoggaan.

“Waxbarashadu waa furaha nolosha adduun iyo aakhiro, waa jidka lagu gaari karo horumar iyo dowladnimo ku taagan tiir adag. Dadkii aan waxbaran waxaa kala gooya colaad, abaar, cudur iyo gaajo, sidaas awgeed ‘Rajo Kaaba’ waa mashruuc qaran oo daliil u ah sida ay Xukuumadda DanQaran xoogga u saarayso kobcinta aqoonta iyo karaanka gabdhaha Soomaaliyeed,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in haweenka Soomaaliyeed maanta ay haystaan fursaddii ay dalka ku hoggaamin lahaayeen, isla markaana looga baahan yahay in ay door muuqda ka qaataan doorashooyinka dowladaha hoose ee dhowaan dalka laga qaban doono.

“Xukuumadda DanQaran waxay dejisay Barnaamijka Isbeddelka Qaran, kaas oo mudnaanta siinaya kor u qaadista karaanka aadanaha. Taas oo keentay in la xoojiyo waxbarashada iyo xirfadaha lagu horumarinayo shaqada iyo shaqaalaha,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa sidoo kale uga mahadceliyey Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare iyo Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, dadaalkooda ku aaddan horumarinta iyo tayeynta aqoonta dadka Soomaaliyeed, si waafaqsan dhaqankeenna iyo diinteenna suubban.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka

Muqdisho (SONNA): Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah mudane Xamsa…

April 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ciidamada Amisom iyo kuwa dowladda oo waxyeello u geystay Al-Shabaab  

Muqdisho:(SONNA)-War saxaafadeed ka soo baxay Howlgalka AMISOM ayaa lagu sheegay inay fashiliyeen weerar dhowr jiho ah oo Al-Shabaab ku soo…

Wararka
May 17, 2020

Wasiir Mareeye “Dadka Beeralayda iyo Xoolo dhaqatada ah waxa ay naga mudanyihiin in aan dhiirigelinno oo garab istaagno”

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabja Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo kulan wadahadal ah la qaatay madaxda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed…

Gudaha
July 12, 2024

Howlgal lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Al-Shabaab

MUQDISHU-(SONNA)- Ciidamada kumaandooska Soomaaliya ee sida gaarka ah u tababaran ee Danab ayaa xalay howlgal ay ka sameeyen duleedka deegaanka…

GudahaWararka
September 21, 2020

Wasaaradda Caafimaadka Galmudug oo tababar la xiriira tallaalka COVID-19 u furtay shaqaale Caafimaad “SAWIRRO”

Muqdisho (SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Caafinaadka Galmdug Dr Cabdiwali Cabdulaahi Jaamac ayaa Caabudwaaq maanta ka daahfuray Tababar la xariira qaabka bixinta tallaalka…

GudahaWararka
March 31, 2021

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023