Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiir Xasan Xuseen “Waxaan ka shaqeyn doonaa sidii xal loogu heli lahaa caafimaadka xoolaha”
    February 20, 2026
    Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya
    February 20, 2026
    Heshiisyada wadajirka ah ee kala saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya ayaa qeexaya in kheyraadka dabiiciga ah ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed
    February 19, 2026
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Soomaaliya
    February 19, 2026
    Wasiirka dekedaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyay meel marinta axdiyada muhiimka ah
    February 19, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: R/Wasaare Rooble oo boggaadiyey Heshiiska Shirka Wadatashiga Dowladda iyo Midowga Musharaxiinta
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > R/Wasaare Rooble oo boggaadiyey Heshiiska Shirka Wadatashiga Dowladda iyo Midowga Musharaxiinta
Wararka

R/Wasaare Rooble oo boggaadiyey Heshiiska Shirka Wadatashiga Dowladda iyo Midowga Musharaxiinta

By Kulane
Last updated: February 26, 2021
2 Min Read
Share

Muqdisho,(SONNA)… Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo shir wadatashi la qaatay Midowga Musharaxiinta ayaa tilmaamay in wadahadalladu ay ahaayeen kuwo miro dhal ah oo ka tarjumaya biseylka siyaasadeed iyo u tanaasulka danta guud ee dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku bogaadiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda F.S Madaxda Dowlad-goboleedyada Galmudug, Hirshabeella iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, doorka wax ku-oolka ah ee ay ku bixiyeen ka miro-dhalinta waanwaantan, isagoona uga mahadceliyey Madaxweyneyaashi Hore ee dalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xubnaha kale ee Musharaxiinta uu kulanka la qaatay dadaalka ay muujiyeen si loo gaaro heshiiskan.

“Shacabka Soomaaliyeed waxaan ugu bishaareynayaa heshiiskan oo muujinaya sida ay nooga go’an tahay ilaalinta xasilloonida iyo amniga dalka. Dowladdu waxa ay garowsan tahay ilaalinta sarreynta sharciga iyo xuquuqda muwaadin kasta uu u leeyahay in uu cabiro fikirkiisa, waxaan rajaynayaa in aan dhammaanteen ka wada shaqeyno qabsoomidda doorashada.”

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo hor-dhigay masuuliyiinta uu la kulmay duruufaha amni iyo caafimaad ee ka jira dalka ayaa u soo jeediyey in dib loo dhigo bannaan baxa maalinta jimcaha, lagana wada shaqeeyo marxalad iyo waqti kale oo ku habboon, suurtagalna ah.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa adkeeyey dadaalka dowladdu ay ku bixinayso badqabka caafimaad iyo amni ee muwaadiniinta Soomaaliyeed, iyadoo la dhowrayo xuquuqda dastuuriga ah ee qeexaysa in muwaadin kasta uu xaq u leeyahay soo bandhigidda aragtidiisa siyaasadeed.

Ra’iisul Wasaaraha waxaa kulankan ku weheliyey Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada, Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamed Maxamuud.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiir Xasan Xuseen “Waxaan ka shaqeyn doonaa sidii xal loogu heli lahaa caafimaadka xoolaha”

Muqdisho.SONNA...Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa ee XFS Mudane Xasan Xuseen Maxamed Eelay oo…

February 20, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Galmudug oo sheegtay inay waddo qorshe looga maarmayo isticmaalka Dhuxusha

Gaalkacyo-(SONNA)-Agaasinaha guud ee Wasaarada degaanka isbeddalka cimillada iyo horumarinta reer miyiga ee dowlad gobaleedka Galmudug, Xuseen Axmed Maxamuud ayaa sheegay…

GudahaWararka
September 23, 2021

Wasiirka Caafimaadka oo ka warbixisay xaaladihii ugu dambeeyay COVID-19 ee Dalka

Muqdisho (SONNA)-Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Feyruska Karoona ku sheegtay in la diiwaan geliyay…

GudahaWararka
August 5, 2021

WASIIRKA AMNIGA GUDAHA OO XILKA LA WAREEGAY

Muqdisho(SONNA):-Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ahna Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha XJFS Mudane Salah Jama, ayaa xilalka uu kula wareejiyey Wasiirka cusub ee Wasaaradda…

GudahaWararka
April 15, 2024

Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka oo la kulmay madax ka tirsan FAO

Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka ee SoDMA Mudane, Maxamuud Macallim Cabdulle oo ay wehliyaan mas’uuliyiin kale ayaa maanta la kulmay…

GudahaWararka
June 14, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023