Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe
    March 12, 2026
    Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la dardaarmay ciidan loo diyaariyay tababar dhanka dibadda ah
    March 12, 2026
    HOGGAAMIYAASHA SOOMAALIYA, JABUUTI IYO ITOOBIYA OO KULAN SADDDEX-GEESOOD AH KU YEESHAY JABUUTI
    March 12, 2026
    Wasiirka Qoyska XFS oo ka qeybgashay shir heer wasiir ah oo ka dhacay New York
    March 12, 2026
    Wanlaweyn oo ku soo baxday Tartanka Ramadaan iyo jadwalka wareegga 4-aad oo la sameeyay
    March 12, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Qodobo muhiim ah oo ka soo baxay shirka horumarinta hannaanka Maaliyadda
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Qodobo muhiim ah oo ka soo baxay shirka horumarinta hannaanka Maaliyadda
GudahaWararka

Qodobo muhiim ah oo ka soo baxay shirka horumarinta hannaanka Maaliyadda

By Sonna Whiteka
Last updated: August 8, 2024
3 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay shirkii Wasiirada Maaliyadda ee heer Federaal, heer dowlad-goboleed iyo maamulka gobolka Banaadir, kaasoo socday muddo saddex cisho ah, waxaana diiradda lagu saaray qodobo muhiim u ah horumarinta hannaanka maaliyadda iyo wadashaqaynta guud.

Dood dheer kadib, madashu waxa ay isku raacday warmurtiyeed ka kooban Shan qodob oo ay wadajir u saxiixeen Wasiirka Maaliyadda XFS mudane Biixi Imaan Cige oo ah Guddoomiyaha Madasha iyo Wasiirada Maaliyadda Dowlad-goboleedyada kala ah Jubbaland, Hirshabeelle, Koofur Galbeed, Galmudug iyo maamulka gobolka Banaadir.

Qodobada lagu heshiiyay

1) 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐚𝐠𝐠𝐚 𝐊𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐌𝐢𝐢𝐬𝐚𝐧𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 (𝐁𝐮𝐝𝐠𝐞𝐭 𝐒𝐮𝐩𝐩𝐨𝐫𝐭): Si waafaqsan heshiiskii Wasiirrada ee shirkii 18aad, ee ku saabsanaa wadaagga deeqaha, waxa lagu heshiiyey in lagu saleeyo wadaagga kabka miisaaniyadda Sanad Maaliyadeedka 2024 si waafaqsan tilmaamaha heshiiska. Waxaa sidoo kale la isla qaatay in lagu dabaqayo dajinta Miisaaniyadda Sannadka 2025.

2) 𝐐𝐚𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐌𝐢𝐝𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐋𝐚𝐦𝐛𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐀𝐪𝐨𝐨𝐧𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐂𝐚𝐧𝐬𝐡𝐮𝐮𝐫 𝐁𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 (𝐋𝐀𝐂): Kulanku wuxuu ka dhegeystay Guddoomiyaha Guddiga Farsamada ee Fadaraaleynta Maaliyadda (IGFFTC) soo jeedintii Guddiga fadhigiisii 16aad, warbixintaas oo lagu faah-faahiyey Aqoonsiga Canshuur bixiyaha iyo qaabka uu noqon karo. Madasha waxa ay isku raacday soo jeedintii Guddiga Farsamada, taas oo ah in hirgelinta Lambarka Aqoonsiga Canshuur bixiyahu (LAC) noqdo 12 god, (12 digit) oo muujinaya nooca canshuur bixiyaha (shakhsi/ganacsi/hey’ad), heerka dowladda, lambar taxane ah ee nidaamka danabeysan ee la adeegsanayo iyo lambar lagu hubinayo.

3)𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐃𝐞𝐞𝐪𝐚𝐡𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐞𝐞𝐝 𝐞𝐞 𝐥𝐨𝐨 𝐟𝐢𝐝𝐢𝐧𝐚𝐲𝐨 𝐃𝐚𝐰𝐥𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐨𝐨𝐬𝐞: Warbixin iyo soo jeedin Mashruuca RCRF oo xiganaya soo jeedintii Guddiga Farsamada ee shirkii Kigali, kulanku wuxuu bogaadiyey ansixiyeyna dhammaan shuruudaha iyo habraacyada la xariira maamulidda deeqaha Dowladaha Hoose ee la soo bandhigay. Kulanku wuxuu isku raacay in la xoojiyo tayada shaqo ee Dowladaha Hoose si loo xaqiijiyo isticmaalka lacagta sida saxda ah, iyadoo laga kaalmeeynayo habsami u socodka shaqada mashruuca iyo bixinta adeegyada bulshada.

4)𝐐𝐨𝐫𝐦𝐨 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐞𝐞𝐝𝐤𝐢𝐢 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬𝐲𝐚𝐝𝐢𝐢 𝐌𝐚𝐬𝐮𝐮𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐚𝐤𝐡𝐥𝐢𝐠𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐬𝐭𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐰𝐨𝐨𝐝𝐚𝐡𝐚: Kulanka waxaa looga warbixiyey halka uu marayo Qormo Siyaasadeedkii Heshiisyadii Mas’uuliyadaha Dakhliga iyo Asteynta Awoodaha Adeegga heerarka dowladaha, kaas oo Madasha Wadatashiga Qaranku (NCC) hore go’aamo uga gaaray December 2022 iyo Maarso 2023. Falanqeyn dheer kaddib, kulanku wuxuu bogaadiyey dadaalka Guddiga Farasamada, ayadoo sidoo kalena kulanku bogaadiyey soo jeedintii Guddiga Farsamada ee ahayd in Maamul kasta gudihiisa kasoo baaraandegaan, soona gudbiyaan aragtidooda bisha October ee Sanadka 2024.

5) 𝐌𝐮𝐬𝐭𝐚𝐪𝐛𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐡𝐫𝐮𝐮𝐜𝐚 𝐑𝐂𝐑𝐅-𝐈𝐈𝐈:

Kulanku wuxuu ka dhagaystay soo jeedin ku aadan hannaanka cusub ee mashruuca RCRF-III u saacidi doono DXDF sanadka soo socda, taas oo isbedel ku imaan doono habraacyadii hore. Dowlad Goboleedyadu waxay qoondada mushaar bixinta u wareejin doonaan qaabka shuruudda ku xiran ee loo yaqaano PBC. Waxaa la isku waafaqay in shir arinkaan u gaar ah la qabto si loo falanqeeyo caqabadaha ku imaan kara fulinta hawshan.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Guutada 17aad ee Qeybta 1aad ee Kumaanooska Gorgor ayaa howlgallo…

March 12, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Xarunta Qaranka ee kahortaga Fikradaha Xagjirka oo ku baaqday in kooxaha khawaarijta ay ka faa’iideystan cafiska dowladda

Muqdisho(SONNA):'Xarunta Qaran ee kahortaga iyo ladagaalanka Fikradaha Xagjirka ah ee Tubsan waxaa ay ku wargelinaysaa dhammaan Xubanaha ka tiran Aragagixisada…

GudahaWararka
August 20, 2023

Wasiirka Maaliyadda oo uu wehliyo guddoomiyaha Banka ayaa la kulmay Gudidda maaliyadda iyo guddi ka socotay Culimada Soomaaliyeed

muqdisho(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukumadda Federal ka Soomaaliya oo uu wehliyo Guddoomiyaha Bangiga dhexe ee Soomaaliya ayaa xalay waxa ay kulan…

GudahaWararka
March 8, 2025

Ciidanka Xoogga oo Bakool ka fuliyay howlgal lagu Jabiyay kooxo khawaarij ah

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 95aad Guutada 9-aad qeybta 60-aad ayaa khawaarijta ku jabiyay howlgal ay ka fuliyeen…

Gudaha
March 14, 2025

Mas’uuliyiin isbitaallada Muqdisho ku booqday dadkii waxyeelada kasoo gaartay weerarkii khawaarijta

Muqdisho(SONNA):-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale oo uu wehliyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka…

GudahaWararka
August 3, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023