Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya
    January 30, 2026
    wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga
    January 30, 2026
    Ciidanka xoogga oo hawlgal ku dilay xubno ka tirsanaa khawaarijta
    January 29, 2026
    Ergada Soomaaliya ee qaramada midoobay oo munaasabad casho ah u qabtay danjireyaasha iyo diblomaasiyiinta ka hawlgala xarunta QM
    January 29, 2026
    Taliyaha Booliiska oo shirguddoomiyey shirka hoggaanada Booliiska
    January 29, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Qodobo muhiim ah oo ka soo baxay shirka horumarinta hannaanka Maaliyadda
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Qodobo muhiim ah oo ka soo baxay shirka horumarinta hannaanka Maaliyadda
GudahaWararka

Qodobo muhiim ah oo ka soo baxay shirka horumarinta hannaanka Maaliyadda

By Sonna Whiteka
Last updated: August 8, 2024
3 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay shirkii Wasiirada Maaliyadda ee heer Federaal, heer dowlad-goboleed iyo maamulka gobolka Banaadir, kaasoo socday muddo saddex cisho ah, waxaana diiradda lagu saaray qodobo muhiim u ah horumarinta hannaanka maaliyadda iyo wadashaqaynta guud.

Dood dheer kadib, madashu waxa ay isku raacday warmurtiyeed ka kooban Shan qodob oo ay wadajir u saxiixeen Wasiirka Maaliyadda XFS mudane Biixi Imaan Cige oo ah Guddoomiyaha Madasha iyo Wasiirada Maaliyadda Dowlad-goboleedyada kala ah Jubbaland, Hirshabeelle, Koofur Galbeed, Galmudug iyo maamulka gobolka Banaadir.

Qodobada lagu heshiiyay

1) ๐–๐š๐๐š๐š๐ ๐ ๐š ๐Š๐š๐›๐ค๐š ๐Œ๐ข๐ข๐ฌ๐š๐ง๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š (๐๐ฎ๐๐ ๐ž๐ญ ๐’๐ฎ๐ฉ๐ฉ๐จ๐ซ๐ญ): Si waafaqsan heshiiskii Wasiirrada ee shirkii 18aad, ee ku saabsanaa wadaagga deeqaha, waxa lagu heshiiyey in lagu saleeyo wadaagga kabka miisaaniyadda Sanad Maaliyadeedka 2024 si waafaqsan tilmaamaha heshiiska. Waxaa sidoo kale la isla qaatay in lagu dabaqayo dajinta Miisaaniyadda Sannadka 2025.

2) ๐๐š๐š๐›๐ค๐š ๐Œ๐ข๐๐ž๐ฒ๐ง๐ญ๐š ๐‹๐š๐ฆ๐›๐š๐ซ๐ค๐š ๐€๐ช๐จ๐จ๐ง๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐‚๐š๐ง๐ฌ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ ๐๐ข๐ฑ๐ข๐ฒ๐š๐ก๐š (๐‹๐€๐‚): Kulanku wuxuu ka dhegeystay Guddoomiyaha Guddiga Farsamada ee Fadaraaleynta Maaliyadda (IGFFTC) soo jeedintii Guddiga fadhigiisii 16aad, warbixintaas oo lagu faah-faahiyey Aqoonsiga Canshuur bixiyaha iyo qaabka uu noqon karo. Madasha waxa ay isku raacday soo jeedintii Guddiga Farsamada, taas oo ah in hirgelinta Lambarka Aqoonsiga Canshuur bixiyahu (LAC) noqdo 12 god, (12 digit) oo muujinaya nooca canshuur bixiyaha (shakhsi/ganacsi/heyโ€™ad), heerka dowladda, lambar taxane ah ee nidaamka danabeysan ee la adeegsanayo iyo lambar lagu hubinayo.

3)๐€๐ง๐ฌ๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐ƒ๐ž๐ž๐ช๐š๐ก๐š ๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐๐ž๐ž๐ ๐ž๐ž ๐ฅ๐จ๐จ ๐Ÿ๐ข๐๐ข๐ง๐š๐ฒ๐จ ๐ƒ๐š๐ฐ๐ฅ๐š๐๐š๐ก๐š ๐‡๐จ๐จ๐ฌ๐ž: Warbixin iyo soo jeedin Mashruuca RCRF oo xiganaya soo jeedintii Guddiga Farsamada ee shirkii Kigali, kulanku wuxuu bogaadiyey ansixiyeyna dhammaan shuruudaha iyo habraacyada la xariira maamulidda deeqaha Dowladaha Hoose ee la soo bandhigay. Kulanku wuxuu isku raacay in la xoojiyo tayada shaqo ee Dowladaha Hoose si loo xaqiijiyo isticmaalka lacagta sida saxda ah, iyadoo laga kaalmeeynayo habsami u socodka shaqada mashruuca iyo bixinta adeegyada bulshada.

4)๐๐จ๐ซ๐ฆ๐จ ๐’๐ข๐ฒ๐š๐š๐ฌ๐š๐๐ž๐ž๐๐ค๐ข๐ข ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ๐ฒ๐š๐๐ข๐ข ๐Œ๐š๐ฌ๐ฎ๐ฎ๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐๐š๐ก๐š ๐ƒ๐š๐ค๐ก๐ฅ๐ข๐ ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐€๐ฌ๐ญ๐ž๐ฒ๐ง๐ญ๐š ๐€๐ฐ๐จ๐จ๐๐š๐ก๐š: Kulanka waxaa looga warbixiyey halka uu marayo Qormo Siyaasadeedkii Heshiisyadii Masโ€™uuliyadaha Dakhliga iyo Asteynta Awoodaha Adeegga heerarka dowladaha, kaas oo Madasha Wadatashiga Qaranku (NCC) hore goโ€™aamo uga gaaray December 2022 iyo Maarso 2023. Falanqeyn dheer kaddib, kulanku wuxuu bogaadiyey dadaalka Guddiga Farasamada, ayadoo sidoo kalena kulanku bogaadiyey soo jeedintii Guddiga Farsamada ee ahayd in Maamul kasta gudihiisa kasoo baaraandegaan, soona gudbiyaan aragtidooda bisha October ee Sanadka 2024.

5) ๐Œ๐ฎ๐ฌ๐ญ๐š๐ช๐›๐š๐ฅ๐ค๐š ๐Œ๐š๐ฌ๐ก๐ซ๐ฎ๐ฎ๐œ๐š ๐‘๐‚๐‘๐…-๐ˆ๐ˆ๐ˆ:

Kulanku wuxuu ka dhagaystay soo jeedin ku aadan hannaanka cusub ee mashruuca RCRF-III u saacidi doono DXDF sanadka soo socda, taas oo isbedel ku imaan doono habraacyadii hore. Dowlad Goboleedyadu waxay qoondada mushaar bixinta u wareejin doonaan qaabka shuruudda ku xiran ee loo yaqaano PBC. Waxaa la isku waafaqay in shir arinkaan u gaar ah la qabto si loo falanqeeyo caqabadaha ku imaan kara fulinta hawshan.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali,…

January 30, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirka Warfaafinta oo tababbar u furay xubno ka mid ah hawl-wadeenada warbaahinta Qaranka

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska Xukuummadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho Tababbar uga furay xubno ka socday warbaahinta…

GudahaWararka
June 12, 2023

Horjoogayaasha khawaariijta oo ka caagay isticmaalka Telefonada gacanta

Muqdisho(SONNA):-kooxda naxariista daran ee khawaariijta Al-shabaab ayaa ayaa wajahaya cabsidii ugu darnad ka dib markii lagu qaaday hawlgalo ciidan oo…

MaqaalladaWararka
February 13, 2023

Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo fashiliyay Qarax lala damacsanaa in lagu dhibaateeyo shacabka

Muqdisho-(SONNA)-War dhowaan kasoo baxay Ciidan Boliiska Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in ay fashiliyeen qarax is-miidaamin ahaa oo la doonayay in…

WararkaWargayska
February 23, 2021

Ra’iisal wasaare ku xigeenka dalka oo booqday ciidamadii ku dhaawacmay Qaraxii shalay

Muqdisho (SONNA): Ku simaha Raโ€™iisul wasaaraha ahna Raโ€™iisul wasaare ku xigeenka dalka mudane Saalax Axmed Jaamac oo ay weheliyaan xubno…

GudahaWararka
July 25, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023