Qaraxa koowaad ayaa ka dhacay goob ay ka socotay xuska dhalashada Nabi Muxamed oo ka dhacayay magaalada Mastung ee gobolka Balochistan, waxaana ku dhintay ugu yaraan 52 qof.
Ugu yaraan laba qof ayaa sidoo kale lagu soo warramayaa in ay ku dhinteen qarax ka dhacay masjid ku yaalla magaalada Hangu ee gobolka Khyber Pakhtunkhwa.
Qaraxyadaan oo looga shakisan yahay in ay ahaayeen ismiidaamin ayaa maanta ka dhacay dalka Pakistan,Ilaa haddana ma jirto cid sheegatay masโuuliyadd.
Wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka ayaa xaqiijisay in qaraxyadaasi ay fuliyeen cunsur argagixiso ah,waxaana intaa la raaciyay in falalkasi ay yihiin kuwo fuleynimo ah.