Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka qeyb galay shir madaxeedka Afrika
    May 11, 2026
    Tirinta cododka Doorashooyinka K/Galbeed oo la soo geba-gebeeyay
    May 11, 2026
    Wasiirka Arimaha Dibadda oo Nairobi uga qaybgalay shir madaxeedka Africa Forward
    May 11, 2026
    Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo la kulmay Dhiggiisa Dalka Algeria
    May 11, 2026
    Madaxweynaha JFS oo gaaray Uganda
    May 11, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Qaramada Midoobay oo walaac ka muujisay halista roobabka ee ka da’aya Soomaaliya iyo dalal kale
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Qaramada Midoobay oo walaac ka muujisay halista roobabka ee ka da’aya Soomaaliya iyo dalal kale
Gudaha

Qaramada Midoobay oo walaac ka muujisay halista roobabka ee ka da’aya Soomaaliya iyo dalal kale

By Kulane
Last updated: April 26, 2024
2 Min Read
Share

Xafiiska Qaramada Midoobay ee isku xirka arrimaha bini’aadantinimada (OCHA) ayaa warbixin cusub oo toddobaadle ah ka soo saaray xaaladda Soomaaliya iyo saameynta roobabka xilligga gu’ga ee ka curtay Dalka Soomaaliya.

Xafiiska ayaa sheegay in laga soo bilaabo Abriil ilaa bisha Juun la filayo in ay korsdhaan roobabka waqtiga gu’ga,kuwaas oo la tilmaamay in ay keeni karaan khasaarooyin nafeed iyo burbur hanta.

Xafiiska Qaramada Midoobay ee isku xirka arrimaha bini’aadantinimada (OCHA)  ayaa xusay in tan iyo 19-kii Abriil la soo sheegayo daadad xooggan oo ay dhaliyeen roobabkii ka da’ay qaar kamid ah gobolada Dalka Soomaaliya.

Dhinaca kale Bariga Afrika iyo dalal kale oo dhaca Qaaradda Afrika ayaa waxaa ka da’ay roobab ka badan kuwii hore oo mahiigaan ah, kuwaas oo dhaliyay dhimasho, fatahaado iyo barakac saameeyay wadammo ay kamid yihiin dalalka Tansaaniya,Burundi iyo Kenya,Nigeria iyo kuwo kale.

Daadad iyo dhul go’ ka dhacay dalka Tanzania oo ay sababeen roobab lixaad leh ayaa dilay 155 qof, halka 236 kalena ay ku dhaawacmeen, sida uu sheegay ra’iisul wasaaraha dalkaasi, iyadoo roobab xooggan ay ka da’ayaan guud ahaan Bariga Afrika.

 Kenya, 35 qof ayaa la sheegay in ay ku dhinteen isniintii, waxaana weli dalka oo dhan ka jira fatahaado.

Burundi, ku dhawaad 96,000 oo qof ayaa ku barokacay roobab aan kala joogsi lahayn oo bilo socday, Qaramada Midoobay iyo dowladdu ayaa sidaa sheegay horaantii bishan.

Uganda ayaa sidoo kale waxaa ka dhacay duufaano waaweyn oo sababay in uu fataho wabiga, waxaana la xaqiijiyay labo dhimasho iyo dhaawac dhowr boqol oo dadka tuullooyinka ah.

 Dhinaca kale,In ka badan 100 maxbuus ayaa ka baxsaday xabsi ku yaalla dalka Nigeria oo u dhow magaalada caasimadda ah ee Abuja ka dib markii roobab mahiigaan ah oo xalay ka da’ay ay burburiyeen qeybo ka mid ah xabsiga, sida ay sheegeen saraakiisha xabsiga.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka qeyb galay shir madaxeedka Afrika

Nairobi,(SONNA):- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam…

May 11, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirro katirsan XFS oo booqasho ku tegay qaybo ka mid ah magaalada Baydhabo

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Mudane Cali Yuusuf Cali…

GudahaWararka
April 5, 2026

Aaladaha Facebook, What’s app iyo Istagram oo mar qura hawada ka baxay

Muqdisho…SONNA…Aaladaha Facebook, Instagram, WhatsApp iyo Messenger ayaa mar qura hawada ka baxay kadib markii ay ku timid cilad, taasi oo…

CaalamkaGudahaWararka
October 4, 2021

Guddiga warfaafinta golaha shacabka oo kormeeray wasaaradda warfaafinta

Muqdisho (SONNA): Xubnaha Guddiga Warfaafinta, Wacyi-gellinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa iyagoo…

GudahaWararka
December 1, 2025

Xildhibaan Xaadoole oo ka warbixiyay guulaha taariikhiga ah ay dhawaan Dowladda ku tilaabsatay

Muqdisho (SONNA):- Xildhibaan Cismaan Maxamed Maxamuud “Xaadoole” oo ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa bogaadiyay doorka laamaha…

GudahaWararka
December 17, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023