Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    HOGGAAMIYAASHA SOOMAALIYA, JABUUTI IYO ITOOBIYA OO KULAN SADDDEX-GEESOOD AH KU YEESHAY JABUUTI
    March 12, 2026
    Wasiirka Qoyska XFS oo ka qeybgashay shir heer wasiir ah oo ka dhacay New York
    March 12, 2026
    Wanlaweyn oo ku soo baxday Tartanka Ramadaan iyo jadwalka wareegga 4-aad oo la sameeyay
    March 12, 2026
    MADAXWEYNE XASAN SHEEKH IYO WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO GAARAY JABUUTI
    March 11, 2026
    Wasaaradda Cadaaladda oo Shaacisay Liiska Nootaayooyinka Sharciyeysan ee Sannadka 2026
    March 11, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Qaramada Midoobay oo walaac ka muujisay halista roobabka ee ka da’aya Soomaaliya iyo dalal kale
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Qaramada Midoobay oo walaac ka muujisay halista roobabka ee ka da’aya Soomaaliya iyo dalal kale
Gudaha

Qaramada Midoobay oo walaac ka muujisay halista roobabka ee ka da’aya Soomaaliya iyo dalal kale

By Kulane
Last updated: April 26, 2024
2 Min Read
Share

Xafiiska Qaramada Midoobay ee isku xirka arrimaha bini’aadantinimada (OCHA) ayaa warbixin cusub oo toddobaadle ah ka soo saaray xaaladda Soomaaliya iyo saameynta roobabka xilligga gu’ga ee ka curtay Dalka Soomaaliya.

Xafiiska ayaa sheegay in laga soo bilaabo Abriil ilaa bisha Juun la filayo in ay korsdhaan roobabka waqtiga gu’ga,kuwaas oo la tilmaamay in ay keeni karaan khasaarooyin nafeed iyo burbur hanta.

Xafiiska Qaramada Midoobay ee isku xirka arrimaha bini’aadantinimada (OCHA)  ayaa xusay in tan iyo 19-kii Abriil la soo sheegayo daadad xooggan oo ay dhaliyeen roobabkii ka da’ay qaar kamid ah gobolada Dalka Soomaaliya.

Dhinaca kale Bariga Afrika iyo dalal kale oo dhaca Qaaradda Afrika ayaa waxaa ka da’ay roobab ka badan kuwii hore oo mahiigaan ah, kuwaas oo dhaliyay dhimasho, fatahaado iyo barakac saameeyay wadammo ay kamid yihiin dalalka Tansaaniya,Burundi iyo Kenya,Nigeria iyo kuwo kale.

Daadad iyo dhul go’ ka dhacay dalka Tanzania oo ay sababeen roobab lixaad leh ayaa dilay 155 qof, halka 236 kalena ay ku dhaawacmeen, sida uu sheegay ra’iisul wasaaraha dalkaasi, iyadoo roobab xooggan ay ka da’ayaan guud ahaan Bariga Afrika.

 Kenya, 35 qof ayaa la sheegay in ay ku dhinteen isniintii, waxaana weli dalka oo dhan ka jira fatahaado.

Burundi, ku dhawaad 96,000 oo qof ayaa ku barokacay roobab aan kala joogsi lahayn oo bilo socday, Qaramada Midoobay iyo dowladdu ayaa sidaa sheegay horaantii bishan.

Uganda ayaa sidoo kale waxaa ka dhacay duufaano waaweyn oo sababay in uu fataho wabiga, waxaana la xaqiijiyay labo dhimasho iyo dhaawac dhowr boqol oo dadka tuullooyinka ah.

 Dhinaca kale,In ka badan 100 maxbuus ayaa ka baxsaday xabsi ku yaalla dalka Nigeria oo u dhow magaalada caasimadda ah ee Abuja ka dib markii roobab mahiigaan ah oo xalay ka da’ay ay burburiyeen qeybo ka mid ah xabsiga, sida ay sheegeen saraakiisha xabsiga.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

HOGGAAMIYAASHA SOOMAALIYA, JABUUTI IYO ITOOBIYA OO KULAN SADDDEX-GEESOOD AH KU YEESHAY JABUUTI

Jabuuti.SONNA….Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Jabuuti kaga qeyb-galay kulan saddex-geesood…

March 12, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wax qabadka Booliska oo lagu soo Bandhigay Dugsiga tababarka Jeneraal kaahiye “SAWIRRO”

Muqdisho (SONNA)-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa ka qeyb galay Munaasabad lagu…

GudahaWararka
July 15, 2021

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kormeeray qeybaha kala duwan ee Isbitaalka guud ee Magaalada Kismaayo

Kismaayo-(SONNA)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee Isbitaalka guud ee magaalada Kismaayo.…

GudahaWararka
November 27, 2023

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya

Muqdisho(SONNA):-Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa kulan…

GudahaWararka
September 8, 2025

Isu soo bax lagu taageerayo midnimada dalka oo ka dhacay Jawhar

Jawhar(SONNA):-Magaalada Jowhar, xarunta Gobolka Shabeelada Dhexe, waxaa si weyn uga socda dibadbax ballaaran oo shacabka magaalada ay uga dhiidhinayaan gardarrada…

GudahaWararka
December 31, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023