Tanzania.(SONNA):- Qaramada Midoobe ayaa sheegtay inay aad uga walaacsantahay warbixin ay heshay oo ku saabsan in Tanzaniya dalkeeda u diiday inay soo galaan dad kasoo cararay qalalaasaha ka socda dalka Mozambique.
Weerarkii 24-kii Maarso lagu qaaday magaalada Palma ee dalka Mozambique, wuxuu sababay in dad badan u qaxaan magaalooyinka kale ee dalka halka qaar kalena ay u baxsadeen dalalka deriska ah.
Heyโadda u qaabilsan Qaramada Midoobe arrimaha qaxootiga waxey ogaatay in Tanzania ay diiday inay dalkeeda soo galaan in ka badan 1,000 qof oo kaso qaxay dalka ย Mozambique
Todobaadki hore, doon ay la socdeen 45 qofย ayaa gaartay xeebaha Tanzania, waxaana soo dhaweeyay dadka deegaanka ah sida ay sheegtay wakaaladda Reuters laakin waxaa adag in dadku kasoo galaan xadka barriga.
Magaalada Palma, waxey hadda kusoo laabatay si caadi, waxaana ku soo noqday qaar ka mid ah dadkii ka cararay isbuuci hore sida ay sheegeen masโuuliyiinta magaaladaas.