Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka
    April 1, 2026
    Guddiga doorashooyinka oo Galmudug ka bixinaya kaararka cod-bixiyaasha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo daah-furay madasha isku-duwidda qaybta Beeraha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabis isweeydaarin ah ku sameeyay wasaaradaha xukuumadda Dan Qaran
    April 1, 2026
    Guddoomiye Aadan Madoobe oo shir guddoomiyey kulan ka dhacay Baydhabo
    April 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Qaramada Midoobe iyo Dowladda Soomaaliya oo heshiis cusub wada saxiixday
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Qaramada Midoobe iyo Dowladda Soomaaliya oo heshiis cusub wada saxiixday
Wararka

Qaramada Midoobe iyo Dowladda Soomaaliya oo heshiis cusub wada saxiixday

By Kulane
Last updated: October 15, 2020
4 Min Read
Share

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa maanta wada saxiixday heshiis iskaashi oo cusub, kaas oo hagi doona sida dalka iyo Qaramada Midoobay ay u wada shaqayn doonaan shanta sano ee soo socota si dhammaan dadka Soomaaliyeed ay u gaaraan nabad, xasillooni iyo barwaaqo.

Xaflad lagu saxiixaayey heshiiska Iskaashiga Horumarinta Waarta ee Qaramada Midoobay (UNCF) – ayaa lagu qabtay caasimadda, Muqdisho, waxaana dhanka dowladda ka qaybgalay Raisul Wasaare ku xigeenka, Mahdi Maxamed Guuleed iyo Wasiirka Qorshaynta, Maalgelinta iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Jamaal Maxamed Xasan.

Dhanka Qaramada Midoobay, mas’uuliyiintii ka qaybgalay waxaa ka mid ah, Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay, James Swan iyo Isku Duwaha Arrimaha Bani’aadannimada ee Qaramada Midoobay, Adam Abdelmoula, oo sidoo kale haya xilka Ku Xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay.

Heshiiska cusub ee UNCF ayaa baddali doona heshiiskii hore ee isaga oo kale ahaa, kaas oo waqtigiisu ku eg yahay dabayaaqada sanadkan.

“Tan iyo markii la saxiixay Heshiiskii Iskaashiga Istiraatiijiyadda ee Qaramada Midoobay bishii December 2017, Soomaaliya waxay horumar wax-ku-ool ah ka samaysay hayaanka ay ugu jirto xoojinta nabadda iyo gaarista horumar waara oo loo dhan yahay, iyadoo kaashanaysa taageerada adag ee Qaramada Midoobay,” ayuu Mudane Swan ka yiri xafladdii saxiixa heshiiska.

Heshiiska UNCF wuxuu ka turjumayaa sida Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ay uga wada go’an tahay inay wada shaqeeyaan si loo taageero Hiigsiga 2030 ee Horumarka Waara iyo Himilooyinka Horumarka Waara (SDGs). Hiigsiga waa baaq caalami ah oo la rabo in lagu ciribtiro saboolnimada, lagu dhawro adduunka, laguna horumariyo nolosha iyo horumarka qof kasta meesha uu doono ha ku noolaado e, waxaana Hiigsigan meelmariyay Dhammaan Xubnaha Qaramada Midoobay sanadkii 2015 isagoo qayb ka ah Hiigsiga 2030, oo dhabbaha u xaaraya qorshe 15-sano ah si loo gaaro himilooyinka SDGs.

Si gaar ah, Heshiiska cusubi ee UNCF wuxuu sharraxayaa hababka Qaramada Midoobay u damacsan tahay inay u taageerto mudnaanaha dowladdu leedahay ee ay ayada majaraha u hayso. Dhidibadda ugu muhiimsani ee waxqabad ee Heshiisku waxay la jaanqaadayaan kuwa ku xusan Qorshaha Qaran ee Sagaalaad ee Soomaaliya (NDP-9), haddii la xusana kala ah, siyaasad loo dhan yahay, dib-u-heshiisiin, amniga iyo ku dhaqanka sharciga, horumarinta dhaqaalaha iyo horumarinta bulshada.

“Heshiiska cusub waa lib wada-shaqeyneyd oo wax-ku-ool ah oo ay yeeshaan Qaramada Midoobay, Dowladda iyo Saamilayda kale,” ayuu yiri Mudane Abdelmoula. Qaramada Midoobay iyo Bahwadaagta kale, iyagoo sii maraya Heshiiskan, waxay ku sii dadaali doonaan inay la tacaalaan sababaha qaabdhismeed ee horseedka u ah burburnaanta daba dheeraatay iyo xasillooni darrada ee xaddiday horumarka waara ee loo dhan yahay ee Soomaaliya muddo toboneeyo sano ah.”

Isagoo ka hadlayay munaasabadda, Raisul Wasaare ku xigeenka, Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa ammaanay dadaallada Qaramada Midoobay wuxuuna sheegay inuu quuddarraynayo xoojinta iskaashiga dowladda ay la leedahay QM si wax looga qabto caqabadaha qallafsan ee ku hor gudban dhinacyada nabad-dhisidda, hourmarinta iyo banii’aadannimada.

“Waxaan soo dhowaynayaa sida cad ee Qaramada Midoobay uga go’an tahay taageeridda mudnaanaha horumarinta Qaranka ee Soomaaliya iyadoo loo marayo iswaaafjainta tooska ah ee Heshiiskan cusub iyo Qorshaha Qaran ee NDP-9, iyo sidoo kale nidaamka isku duwista gargaarka,” ayuu yiri Raisul Wasaare ku xigeenka, Mahdi Maxamed Guuleed.

Tiro mas’uuliyiin ka socotay Qaramada Midoobay iyo Dowladda iyo sidoo kale wakiillo ka socday bulshada dibloomaasiyiinta ayaa joogay munaasabadda halka kuwa kale ay qaab onlayn ah uga qaybgaleen.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka

Muqdisho (SONNA): Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah mudane Xamsa…

April 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

RW Rooble oo hey’adaha samafalka dowladda Imaaraadka kala hadlay sidii loogu gurman lahaa dadka Soomaaliyeed ee abaartu saameysay

Abu Dhabi-(SONNA)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa magaalada Abu Dhabi, kula kulmay Hay’adda Bisha Cas ee…

GudahaWararka
February 2, 2022

Shacabka Muqdisho iyo madaxda dalka oo maanta ka qeyb-galaya Daah-furka kacdoonka Muqdisho

MUQDISHO-(SONNA)-Shacabka ku dhaqan magaalada Caasimada ah ee Muqdisho ayaa saaka u diyaar garoobaya ka qeyb galka daahfurka kacdoonka Muqdisho ee…

GudahaWararka
January 12, 2023

Doorashada sagaal kursi oo ka mid ah xildhibaannada gobollada waqooyi ku matalaya BFS oo lasoo gabagabeeyay

Muqdisho-(SONNA)-Waxaa goordhow lasoo gabagabeeyay doorahsda sagaal kursi oo ka mid ah xubnaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku matalaya maamulka gobollada waqooyi…

GudahaWararka
January 25, 2022

Taliyaha Ciidanka Xoogga oo Hambalyo u diray Ciidanka Cirka Xuska Sanad-guuradii 66-aad

Muqdisho(SONNA):-Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray Ciidanka Cirka ee Xoogga Dalka…

GudahaWararka
February 15, 2026

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023