Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Xildhibaano ka tirsan golaha shacabka oo shirka kaga qayb galay Itoobiya
    December 19, 2025
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Qaahira kaga qeyb galay Shirka labaad ee Madasha Wax-wadaagga Ruushka iyo Afrika
    December 19, 2025
    Guddoomiye kuxigeenka arrimaha bulshadda iyo wacyigelinta gobolka Banaadir oo kormeeray ololaha nadaafada xeebta Liido
    December 19, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Ra’iisul wasaaraha Itoobiya
    December 19, 2025
    Wasiirada Kalluumaysiga iyo Dekedaha XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay Masโ€™uuliyiin Turki ah
    December 19, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
    Shacabka Magaalada New York oo doortay duqii ugu horeeyay oo muslim ah
    November 5, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
    Taariikh nololeedkii: AUN Marxuum Cali Hagarey ( Warbixin)
    December 7, 2025
    Macallinka waa barbaariyaha iyo hagaha Bulshada
    November 22, 2025
    Bixinta Kaararka Doorashada Golaha Deegaanka oo Ka Bilaabatay Muqdisho
    November 16, 2025
    Soomaaliya iyo Aljeeriya oo xoojinaya xiriirkooda
    November 11, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Qaramada Midoobe iyo Dowladda Soomaaliya oo heshiis cusub wada saxiixday
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Qaramada Midoobe iyo Dowladda Soomaaliya oo heshiis cusub wada saxiixday
Wararka

Qaramada Midoobe iyo Dowladda Soomaaliya oo heshiis cusub wada saxiixday

By Kulane
Last updated: October 15, 2020
4 Min Read
Share

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa maanta wada saxiixday heshiis iskaashi oo cusub, kaas oo hagi doona sida dalka iyo Qaramada Midoobay ay u wada shaqayn doonaan shanta sano ee soo socota si dhammaan dadka Soomaaliyeed ay u gaaraan nabad, xasillooni iyo barwaaqo.

Xaflad lagu saxiixaayey heshiiska Iskaashiga Horumarinta Waarta ee Qaramada Midoobay (UNCF) โ€“ ayaa lagu qabtay caasimadda, Muqdisho, waxaana dhanka dowladda ka qaybgalay Raisul Wasaare ku xigeenka, Mahdi Maxamed Guuleed iyo Wasiirka Qorshaynta, Maalgelinta iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Jamaal Maxamed Xasan.

Dhanka Qaramada Midoobay, masโ€™uuliyiintii ka qaybgalay waxaa ka mid ah, Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay, James Swan iyo Isku Duwaha Arrimaha Baniโ€™aadannimada ee Qaramada Midoobay, Adam Abdelmoula, oo sidoo kale haya xilka Ku Xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay.

Heshiiska cusub ee UNCF ayaa baddali doona heshiiskii hore ee isaga oo kale ahaa, kaas oo waqtigiisu ku eg yahay dabayaaqada sanadkan.

โ€œTan iyo markii la saxiixay Heshiiskii Iskaashiga Istiraatiijiyadda ee Qaramada Midoobay bishii December 2017, Soomaaliya waxay horumar wax-ku-ool ah ka samaysay hayaanka ay ugu jirto xoojinta nabadda iyo gaarista horumar waara oo loo dhan yahay, iyadoo kaashanaysa taageerada adag ee Qaramada Midoobay,โ€ ayuu Mudane Swan ka yiri xafladdii saxiixa heshiiska.

Heshiiska UNCF wuxuu ka turjumayaa sida Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ay uga wada goโ€™an tahay inay wada shaqeeyaan si loo taageero Hiigsiga 2030 ee Horumarka Waara iyo Himilooyinka Horumarka Waara (SDGs). Hiigsiga waa baaq caalami ah oo la rabo in lagu ciribtiro saboolnimada, lagu dhawro adduunka, laguna horumariyo nolosha iyo horumarka qof kasta meesha uu doono ha ku noolaado e, waxaana Hiigsigan meelmariyay Dhammaan Xubnaha Qaramada Midoobay sanadkii 2015 isagoo qayb ka ah Hiigsiga 2030, oo dhabbaha u xaaraya qorshe 15-sano ah si loo gaaro himilooyinka SDGs.

Si gaar ah, Heshiiska cusubi ee UNCF wuxuu sharraxayaa hababka Qaramada Midoobay u damacsan tahay inay u taageerto mudnaanaha dowladdu leedahay ee ay ayada majaraha u hayso. Dhidibadda ugu muhiimsani ee waxqabad ee Heshiisku waxay la jaanqaadayaan kuwa ku xusan Qorshaha Qaran ee Sagaalaad ee Soomaaliya (NDP-9), haddii la xusana kala ah, siyaasad loo dhan yahay, dib-u-heshiisiin, amniga iyo ku dhaqanka sharciga, horumarinta dhaqaalaha iyo horumarinta bulshada.

โ€œHeshiiska cusub waa lib wada-shaqeyneyd oo wax-ku-ool ah oo ay yeeshaan Qaramada Midoobay, Dowladda iyo Saamilayda kale,โ€ ayuu yiri Mudane Abdelmoula. Qaramada Midoobay iyo Bahwadaagta kale, iyagoo sii maraya Heshiiskan, waxay ku sii dadaali doonaan inay la tacaalaan sababaha qaabdhismeed ee horseedka u ah burburnaanta daba dheeraatay iyo xasillooni darrada ee xaddiday horumarka waara ee loo dhan yahay ee Soomaaliya muddo toboneeyo sano ah.โ€

Isagoo ka hadlayay munaasabadda, Raisul Wasaare ku xigeenka, Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa ammaanay dadaallada Qaramada Midoobay wuxuuna sheegay inuu quuddarraynayo xoojinta iskaashiga dowladda ay la leedahay QM si wax looga qabto caqabadaha qallafsan ee ku hor gudban dhinacyada nabad-dhisidda, hourmarinta iyo baniiโ€™aadannimada.

โ€œWaxaan soo dhowaynayaa sida cad ee Qaramada Midoobay uga goโ€™an tahay taageeridda mudnaanaha horumarinta Qaranka ee Soomaaliya iyadoo loo marayo iswaaafjainta tooska ah ee Heshiiskan cusub iyo Qorshaha Qaran ee NDP-9, iyo sidoo kale nidaamka isku duwista gargaarka,โ€ ayuu yiri Raisul Wasaare ku xigeenka, Mahdi Maxamed Guuleed.

Tiro masโ€™uuliyiin ka socotay Qaramada Midoobay iyo Dowladda iyo sidoo kale wakiillo ka socday bulshada dibloomaasiyiinta ayaa joogay munaasabadda halka kuwa kale ay qaab onlayn ah uga qaybgaleen.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Xildhibaano ka tirsan golaha shacabka oo shirka kaga qayb galay Itoobiya

Muqdisho(SONNA):- shirka Isbahaysiga Baarlamaanka Bariga Afrika ee Amniga Cuntada iyo Nafaqada oo maalmihii lasoo dhaafay…

December 19, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Safaardda Soomaaliya ee dalka Kenya oo dadka ku xayiran Kenya dib ugu celinaysa Soomaaliya

Muqdisho:(SONNA)-Safaardda Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa dadka ku xayiran Kenya dib ugu celinaysa dalka Soomaaliya. Dadka la celinayo waxaa qasab…

Wararka
May 13, 2020

Madaxweyne Xasan Sheekh oo aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirka Ingiriiska

Muqdisho (SONNA): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ku qaabilay Madaxtooyada Qaranka Safiirka cusub ee…

GudahaWararka
June 3, 2025

Wasiirka Qorsheynta XFS oo warbixin ka dhageystay hoggaanka iyo farsama-yaqaannada Mashaariicda SCRP iyo Biyoole

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan (Beenebeene) ayaa maanta warbixin ka dhageystay hoggaanka iyo farsama-yaqaannada…

GudahaWararka
January 11, 2023

Maxkamadda Ciidamada oo xukun ku ridday Rag ka tirsanaa Al-Shabaab+Sawirro

Guri-ceel-(SONNA)-Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta xukun ciqaabeed ku ridday ismiidaamiye ku fashilmay qarax uu…

Wararka
November 24, 2019

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023