Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa meel mariyay qaraar ugu baaqaya maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda (ICJ) inay ra’yi ka bixiso qadiyadda ku saabsan boobka sharci darrada ah ee Israa’iil ay ka waddo dhulka Falastiiniyiinta.
Golaha ayaa weydiistay maxkamadda ICJ in ay bixiso fikrad la-talin ah oo ku saabsan cawaaqibka sharciga ah ee ka dhalan kara qabsashada iyo deegaameynta ay ka waddo dhulalka Falastiin.
Qaraarka Qaramada Midoobay waxa kale oo uu waydiisanayaa ICJ inay ka taliso sida siyaasadahaasi iyo dhaqamadaas ay u saameeyaan heerka sharci ee dhammaan wadamada iyo Qaramada Midoobay.
87 ayaa u codeeyay qaraarkaasi,halka ay diideen 26 ,waxaana ka aamusay 53 dal, iyadoo wadamada reer galbeedka ay ku kala qeybsameen arrintaasi,laakiin taageero wada jir ah laga helay caalamka Islaamka oo ay ku jiraan dowladaha Carabta ee caadi ahaan soo celiyay xiriirka Israel.
Safiirka Falastiin ee Qaramada Midoobay Riyad Mansour ayaa xusay in codeynta ay timid hal maalin kadib markii la dhaariyay xukuumadda cusub ee Israaโiil oo ballan qaadday ballaarinta deegaamaynta Yuhuudda iyo in ay dardargeliso siyaasadaha gumeysiga iyo cunsuriyadda ay ku heyso dadka Falastiiniyiinta.
Madaxda Falastiin ayaa soo dhoweeyay tallaabadaasi ,waxayna ka dalbadeen dalalka caalamka ee aaminsan sharciga iyo nabadda in la tixgaliyo raโyiga maxkamadda ICJ ee lafilayo in la gaaro waqtiyada soo socda.
Maxkamadda ICJ ayaa markii ugu dambeysay culeys saartay arrinta ku saabsan qabsashada Israaโiil ee dhulalka Falastiin sanadkii 2004-tii, markaasoo ay xukuntay in darbiga Israaโiil ay ka dhistay Daanta Galbeed ee la heysto iyo Bariga Qudus uu yahay sharci darro.