Dowlad Goboleedka Puntland ayaa aqbalay ka qaybgalka Shirka wadatashiga Doorashooyinka ee uu ku baaqay Madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo inuu Sabtida ka qabsoomo xarunta Afasiyooni ee ciidamada cirka Soomaaliya.
Maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa horay uga baaqsaday ka qaybgalka shirar dhowr ah oo la doonayay in lagu dhamaystiro Heshiiskii 17 kii September.
Shirka beri ayaa lagu wadaa inay ka qeyb galaan Madaxda dowlad Goboleedyada qeybta ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Gobolka Banaadir, kaasi oo diiradda lagu saarayoย dhameystirka heshiiskii 17 September, si loo guda galo arrimaha Doorashooyinka ee dalka.