25 ruux ayaa la sheegayaa in ay ky dhimatay qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay masaajid mashquul badan oo ku yaalla waqooyiga galbeed ee magaalada Peshawar oo ka tirsan dalka Pakistan, sida ay sheegeen saraakiisha ciidanka Boliiska.
Qaraxaas oo ay ku dhaawacmeen in ka badan 40 qof ayaa yimid xilli dad badan ay isu diyaarinaayeen dukashada salaadda,sida uu sheegay sarkaal ka tirsan booliska oo la hadlay wakaalada wararka ee Reuters Isniintii.
Sarkaalkaasi lagu magacaabo Sikandar Khan ayaa sheegay in qeyb ka mid ah dhismaha masjidkaasi uu ku yimid burbur ama uu dumay.
Mohammad Asim, oo ah afhayeenka isbitaalka Lady Reading ee magaalada Peshawar, ayaa sheegay in ay daawynayaan 90 qof oo dhaawac ah, kuwaas oo qaarkood ay xaaladoodu liidato.