Maamulka dowladda hoose ee degmada Xuddur, ayaa maanta olole nadaafadeed oo lagu soo celinaayo bilica ka sameeyay suuqa degmadaasi oo maalmahaan ay ka muuqdeen nadaafad xumo aad u daran.
Guddoomiyaha xafiiska Maaliyadda degmada Xuddur Aadan Cabdi Abaarey iyo Xoghayaha dowladda hoose, C/fitaax Maxamed Boorow, ayaa ganacsatada ku war geliyay in suuqa labo maalin xirnaan doono inta ololaha nadaafadeed uu ka socdo halkaasi .
Ololaha nadaafadeed ayaa manta si rasmi ah looga bilaabay qeybta lagu iibiyo caanaha,iyadoo sidoo kale ololahaasi nadaafadda laga sameyay qeybta dharka iyo kuwo kale .
Suuqa caanaha ee degmada Xuddur waxaa uu kamid yahay meelaha ugu mashquulka badan, waxaana halkaas booqda boqolaal shacab ah oo isugu jira kuwa caanaha keena iyo dadka iibsada.