Muqdisho,(SONNA):- Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa maanta heshiis Is-afgarad la saxiixday Agaasimaha (MoU) Shirkadda Somali Ship Register Limited mudane Çağdaş Oykun Saltaș heshiis kaas oo lagu dhisayo diiwaanka maraakiibta Soomaaliyeed, si maraakiibtu u qaataan Calanka Soomaaliya, taaso ah tallaabo weyn oo muujinaysa sida ay nooga go’an tahay horumarinta iyo casriyeynta arrimaha baddeenna.
Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa xusay in heshiiskani abuuri doono fursado cusub oo dhinaca maalgashiga ah, shaqo abuurka iyo kor u qaadida sumcadda calanka Soomaaliyeed, annagoo ka faa’iideysanayna khibradda saaxiibo kale.
Ugu dambeyntii Wasiirka ayaa sheegay in tani tahay tallaabo kale oo istiraatiiji ah oo Xukuumadda Dan-Qaran ku xoojineyso maamulka iyo sumcadda Soomaaliya, si ay uga mid noqoto dalalka ku tartama howlaha maraakiibta ee caalamka.
