Munaasab lagu xusayo maalinta caalamiga ah ee haweenka aduunka oo ay ka qeyb galeen masuuliyiin ka tirsan dowlad gobaleedka Puntaland iyo ururka haweena nabbada gobalka Mudug ayaa maanta lagu qabtay magaalada Galkacyo.
Munaasabada oo ay soo agaasimeen ururka haweenka nabbada iyo horumarka ee gobalka Mudug oo gacan ka helaya hayaddaha PDRC iyo Interpeace ayaa looga hadlay ka shaqeynta amniga iyo nabad galyada iyo wacyi galinta khatarta xanuunka saf markaa ee covid 19 ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay gudoomiyaha iyo gudoomiye ku xigeenka ururka haweenka nabbada iyo horumarka ee gobalka Mudug Caasho Cali Bagaag iyo Xabiibo Maxamuud Cabdi Koofuroow iyagoona xusay in ay diyaar uyihiin markasta ka shaqeynta amniga iyi nabad galyada iyo wacyi galinta khatarta covid 19
Ugu danbeyna gudoomiye ku xigeenkaย gobalka Mudug ee Puntland Maxamed Xasan Waloore ayaa isna baaq ujeediyay guud ahaan shacabka gobalka Mudug kaas oo ku aadan khatar uu sheegay in amniga gobalka ay ku hayaan kooxaha nabad iyo nolal diidkaa oo ay dhibaato ku tahay amniga iyo nabad galyada.