Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka tamarta iyo khayraadka biyaha oo gaaray Dhuusamareeb
    January 30, 2026
    Maamulka Cisbitaalka Erdogan oo u dabbaaldegay xuska sanadguuradii 12 aad ee aasaaska cisbitaalkaasi
    January 30, 2026
    Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhoweeyay London
    January 30, 2026
    Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya
    January 30, 2026
    wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga
    January 30, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Munaasabad ku saabsan 10 sana guuradii kasoo wareegatay xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga oo ka socota Muqdisho
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Munaasabad ku saabsan 10 sana guuradii kasoo wareegatay xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga oo ka socota Muqdisho
GudahaWararkaWargayska

Munaasabad ku saabsan 10 sana guuradii kasoo wareegatay xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga oo ka socota Muqdisho

By Aadan Sooyaal
Last updated: August 19, 2021
4 Min Read
Share

Muqdisho-(SONNA)-Waxaa haatan magaalada Muqdisho ka soconaya munaasabad ballaaran oo lagu xusayo toban sana guuradii kasoo wareegatay xiriirka qotoda dheer ee Soomaaliya iyo Turkiga.

Munaasabaddan oo ay qaban qaabadeeda haatan ka socoto xarunta Ciidanka cirka Soomaaliya ee Afisyoone ayaa lagu wadaa inay ka qayb galaan qaar ka mid ah Madaxda dalka ugu saraysa iyo masuuliyiin ka socda safaaradda Turkiga iyo xubno kale.

Soomaaliya iyo Turkiga ayaa lahaa xiriir Taariikhi ah oo aad u qoto dheer, iyadoo wixii ka dambeeyay Qarnigii 16aad oo ay meela badan oo Dunida ah ka talinaysay Boqortooyadii Cusmaaniyiinta (Ottoman Empire).

Cilaaqaadka labada dal ayaa wiiqmayay markii ay meesha ka baxday ย Boqortooyadii Cusmaaniyiinta oo ay curatay Jamhuuriyadda Turkiga Sanadkii 1923 kii, wuxuuna Turkigu xiriir qunyar socod ah la samaysay Soomaaliya Sanaddii 1979-kii, isagoo Muqdisho ka furtay Safaarad.

Xiriirka labada dal oo ahaa mid hoose ayaa meesha ka baxay wixii ka dambeeyay 1991-kii markii ay bur-burtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

Soomaaliya iyo Turkiga ayaa xiriirkoodii Taariikhiga ahaa dib usoo celiyay 19 Augost 2011-kii, markii uu Muqdisho soo gaaray Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, oo markaa ahaa Raโ€™iisul wasaare.

Xilligaas oo ay gacmaha ka laabatay Soomaaliya ayaa waxaa guud ahaan dalka ka taagnaa abaaro baโ€™an iyo macaluul galaafatay nolosha dad iyo duunyo fara badan, wuxuuna mudane Erdogan soo gaarsiiyay dalka sahay gargaar oo kala duwan.

Abaarta xilligaas dalka ka taagnayd ayaa loo aqoonsaday tii ugu darnayd ee Soomaaliya ku dhufatay muddo 25 sano ah, iyadoo lagu qiyaasay in intii u dhaxaysay May yo August sannadkii 2011 waxay gaartay 30,0000 iyo xoolo tiro beel ah , sida ay xaqiijisay hayโ€™adda beeraha QM ee FAO.

Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, ayaa wixii xilligaasi ka dambeeyay wuxuu Soomaaliya u noqday walaalka dhabta ah ee garabka u ah Shacabka iyo Dowladdooda, isagoo ku dhiirraday inuu indhahiisa ku arko lana qiiroodo xaaladda ay dadka ku sugnaayeen.

Dowladda Turkiga waxay dalka ka hirgeliyay xarumo quudin, goobo caafimaad iyo xarumo waxbarasho, waxayna dib usoo nooleysay kaabayaashii dhaqaalaha iyo xarumihii dowliga ahaa, taas oo si weyn usoo kabtay nolosha shacabka Soomaaliyeed.

Wuxuu mudane Erdogan ku garab istaagay dowladda Soomaaliya dagaalka ka dhanka ah Argagixisada, isagoo dalka ka hirgeliyay saldhig lagu taabaro Ciidamada.

Wuxuu taageero dhaqaale iyo mid farsamaba ku bixiyay tayeynta iyo qalabaynta Ciidamadeenna, iyagoo gudaha dalkiisa ka sameeyay dugsiyo lagu tababaro ciidamada kala duwan ee Soomaaliya.

Wuxuu Turkigu ku caawiyay Ciidamada Soomaaliya qalab casri ah iyo gaadiid fara badan oo ah isugu jira midka gaashaaman iyo noocyada xamuulka.

Madaxwyne Recep Tayyip Erdogan iyo masโ€™uuliyiinta dalkiisa ayaa wacad ku maray inay si hagar laโ€™aan ah u garab istaagayaan Soomaaliya heer walba iyo waqti kasta isla markaana ay yihiin walaalka koowaad ee ay caalamka ku leeyihiin.

Haddaba munaasabad ku aadan xiriirka baaxadda leh ee Soomaaliya iyo Turkiga ee manta ka socota Magaalada Muqdisho ayaa lagu wadaa inay qudbado Taariikhi ah ka jeediyaan masโ€™uuliyiinta labada dal ee walaalaha ah.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka tamarta iyo khayraadka biyaha oo gaaray Dhuusamareeb

Muqdisho(SONNA):-Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Bidhaan…

January 30, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasaaradda waxbarashada XFS oo soo xirtay imtixaankii shahaadiga ee dugsiyada sare

Muqdisho.(SONNA)...Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada XFS Mudane C/Raxmaan Maxamuud C/lleย  Jaabiri ayaa manta soo gabagabeeyay imtixaankii shahaadiga dugsiyada sare oo muddo…

Wararka
July 22, 2020

Guddoomiyaha Gobobolka Banaadir oo shir guddoomiyey kulan gaar ah oo looga hadlayay Amniga Caasimadda

Muqdisho(SONNA):-Guddoomiyaha Gobobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa shir guddoomiyey kulan gaar ah oo looga…

Wararka
April 3, 2023

Wasiir ku xigeenka Caddaaladda dalka Turkiga oo soo gaaray Muqdisho

Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS, ๐Œ๐ฎ๐๐š๐ง๐ž ๐—๐š๐ฌ๐š๐ง ๐Œ๐š๐œ๐š๐ฅ๐ฅ๐ข๐ง ๐Œ๐š๐ฑ๐š๐ฆ๐ฎ๐ฎ๐ ayaa maanta Muqdisho ku soo dhoweeyay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda…

GudahaWararka
May 1, 2024

Golaha shacabka BFS oo maanta u fadhiya kulankoodii 21-aad Kalfadhigisii lixaad โ€œSawirroโ€

Kulanka oo uu Shir Guddominayay Guddomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman Iyo Guddomiye Ku Xigeenka Kowaad ee Golaha…

Wararka
December 11, 2019

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023