Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Shirweynaha iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika oo Muqdisho lagu soo gabangabeeyey
    October 8, 2025
    Lataliyaha amniga Qaranka oo soo xiray wadatashi ku aadan guddiyada Amniga Dowlad Goboleedyada
    October 8, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo bogaadiyey dib ula wareegidda maareynta arrimaha Xuquuqda Aadanaha dalka
    October 8, 2025
    Wasiirka Cadaaladda oo shir caalami ah uga qaybgalaya Sucuudiga
    October 8, 2025
    Wasiirka Caafimaadka oo Jordan uga qaybgalay shirka wasiirada Caafimaadka dalalka Islaamka
    October 8, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
    Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan
    September 1, 2025
    Madaxda Ruushka & W/Kuuriya oo todobad kadib ku wajahan Shiinaha
    August 28, 2025
    Drone nooc cusub ah oo Dunida ku soo biiray
    August 16, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Wax ka ogoow Taariikhda Farsamo yaqaankii ugu horreeyay ee Raadiyo Muqdisho (SAWIRRO)
    September 24, 2025
    Guushu waa adigoo wax yar Cagaha Dhulka ku haya (FAALLO)
    September 15, 2025
    Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta
    September 15, 2025
    Gobolka Banaadir oo qeyb ka noqday abaabulka wajiga cusub ee la dagaalanka khawaarijta
    August 30, 2025
    Xogaha Shidaalka Soomaaliya (WARBIXN)
    August 29, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
    Safaaradda Soomaaliya ee kenya oo Hamblayo u dirtay Kooxda Dekadaha oo guul usoo hooyay Dalkeena
    September 28, 2025
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
Reading: Milgo iyo Maamuus Qaran Macallin Baa leh
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Milgo iyo Maamuus Qaran Macallin Baa leh
MaqaalladaWaxbarashada

Milgo iyo Maamuus Qaran Macallin Baa leh

By Kulane
Last updated: November 21, 2023
4 Min Read
Share

Maanta waa maalin ku wayn quluubta umadda Soomaaliyeed, waxayna ku beegan tahay sanadguuradii 49-aad ee maalinta Macallinka Soomaaliyeed oo dalka iyo meel kasta  oo Soomaali joogtaba laga xuso.

1974-tii ayaa 21ka Nofember loo asteeyay maalinta macallinka Soomaaliyeed waxayna ahayd maalin si wayn ay u maamuusi jireen shacbiga iyo dowladba, waxaana la samayn jiray munaasabado lagu waynaynayo xurmada macallinka iyo doorkiisa Qiimaha badan.

Waxaa xusid mudan Haldoorkii kaalinta wayn ka soo qaatay horumarinta waxbarashada dalka waxaana ka mid ahaa:

1-Shiikh Yuusf Al-Kownayn oo ahaa macaliinkii hingaadda xuruufta carabiga u rogay af Soomaali,arintaasi oo ardayda Soomaaliyeed ee Qur’aanka baranaysa u fududaysay qoraalka farta carabiga,    ( أَ   إِ  أٌ ),  ALIF LA KORDHABEY, ALIF LA HOOS DHABEY, ALIF LAA GODAY. 

2-Macallin Jaamac Bilaal, oo ahaa aabihii buddhigaha u ahaa waxbarashada gobollada koonfureed,wuxuu dhexda u xirtay lana dagaalamay afkaarihii haraadiga ahaa ee bulshadu ka aaminsanaayeen waxbarashada, wuxuuna ka furay magaalada muqdisho School yar oo arday kooban uu wax ku bari jiray.

3-Macallin Max’uud axmed Cali wuxuu ahaa aasaasihii waxbarashada gobollada waqooyi,wuxuu dadaal ugalay sidii bulshada gobollada waqooyi ay u heli lahaayeen wabarasho horumarsan, dadaalkiisii nafhurnimada ahaa waxaa ka horyimid gumaysigii ingiriiska oo diidanaa in shacbiga ay waxbartaan,kadibna ay fahmaan waxa ka maqan iyo qiimaha xoriyadda, sidoo kale macallin Max’uud Axmed Cali waxaa u suurtagasahay inuu fikir ahaan kaga adkaado Soomaalidii aragtida qaldan ka aaminsanaa waxbarashada maadiga ah.

21ka Nofember Waa maalin ka mid ah maalmaha ku xardhan quluubta dadka Soomaaliyeed, waxaana maanta oo kale la fasixi jiray dugsiyada iyo dhamaan Goobaha kale ee Waxbarashada si loo xuso kaalinta macaallimiinta Soomaaliyeed ay ku dhex leeyihiin bulshada.

Mid kamid ah macalimiinta wax ka dhiga Dugsiyada ku yaalla magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Macalinka wanaagsan uu muhiimad gaara u leeyahay bulshada uu la nool yahay, maantana ay tahay maalin qadarin leh oo loo baahan yahay in si wayn loogu dabaal dago, si Macalimiinta ugu dhiiradaan inay sii wadaan Kobcinta waxbarashada dalka.

Barayaasha Soomaaliyeed ayaa si dulqaad leh mudadii uu dalka burbursanaa u adkeystay ku shaqaynta xaaladihii adkaa ee la soo maray, mudadii dalka dowlad la’aanta ahaa, haddii macallinka Soomaaliyeed uusan naftiisa u huri lahayn waxbaridda ardayda,waxaa maanta mugdiga jahliga dhex muquuran lahaa arday badan oo waxbartay, kaalin hormuud ahna kaga jira horumarinta dalka.

Marka la eego dunida Casriga ah, waxbarashada ayaa ah tan isku xirtay iskuna soo dhawaysay qaybaha kala duwan ee Caalamka, waana taas midda uu u  taagan yahay Macalinka Soomaaliyeed,Macallinku waa barbaariyaha iyo hagaha Ummadda wuxuu ka saara jahliga iyo mugdiga aqoon darrida.

Macalinku waa waalidka labaad ee ardayga wuxuuna ka waraabiyaa durdurka, aqoonta iyo ilayska Cilmiga, taasina waxaa ka garan kartaa abaalka Macallinka in aan la gudi Karin Xikmaddii macnaheedu ahaa (Qofkii hal xaraf I bara waxaan u noqon lahaa adoon).

Tan iyo intii sooyaalka dunida jiray markasta macalimiin iyo dad aqoon leh ayaa bulshada kala dagaalami jiray jahliga & dib u dhaca, isla markaasna soo saari jiray dad umadooda anfaca.

Macallinku wuxuu maamuus, xushmad iyo karaamo ku dhex leeyahay bulshadiisa maadaama uu soo saarayo kaadir aqoon leh iyo hogaamiyihii mustaqbalka iyo aayaha bulshadiisa, waa tusaale fiican, iftiin ku dayasho mudan,laguna tilmaami karo Tiirdhexaadka bulshada.Diinta islaamkuna waxay gaarsiisay macalimiinta martabad aad u saraysa oo maamuus iyo qadarin badan.

Abuukar Gobdoon

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Shirweynaha iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika oo Muqdisho lagu soo gabangabeeyey

Muqdisho (SONNA): Magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu soo xiray Shirweynaha Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EACCON…

October 8, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Soomaaliya oo ka baxday liiska Waddamada Qaamaysan (WARBIXIN)

Tan iyo markii ay Hey’adda Lacagta Adduunka IMF iyo Baanka Adduunka ay ku dhawaaqeen in Soomaaliya laga cafiyay deyn dhan…

GudahaMaqaalladaSiyaasadda
November 6, 2024

Qofkii aad dhahdo Asalaamu Caleykum, wuxuu qaadayaa dareen cabsi ah (Warbixin)

Muqdisho.(SONNA):- Asalaamu Caleykum macno ahaan waa duco, waana suno, waana ay wanaagsan tahay in qof kasta, qofka kale ku salaamo,…

GudahaMaqaalladaWararka
March 5, 2023

DHALLINYAROOY HA DHIMANINA GEERIDA HORTEED!

Muqdisho,(SONNA)-Garashadu waxay na leedahay ”Sooyaalka iyo dhacdooyinka la soo maray waa kuwa mudan in la milicsado, markasta oo ay soo …

Maqaallada
April 18, 2021

 ‘laba cadow ayaan leenahay’ (WARBIXIN)

Soomaaliya waxay diyaar u tahay inay dagaal gasho, si ay Itoobiya uga joojiso aqoonsiga dhulka Somaliland ka go’day oo ay…

GudahaMaqaalladaSiyaasadda
January 14, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023