Midowga yurub ayaa ansixiyay tiro cunaqabateyn ah oo cusub oo la saarayo Ruushka,kadib hal sano oo dowladdaasi ay dagaal ka waddo gudaha Ukrine.
Wararkii ugu dambeeyay ee ka soo baxay shirka Magaalada Brussels ee xarunta Midowga Yurub ,ayaa lagu sheegay in cunaqabateynno dheeraad ah oo dhanka ganacsiga ah la saaray Ruuushka.
Tirada cunaqabateynta ee la saaray dalkaasi ย waxaa ka mid ah xayiraadaha dhoofinta ku saabsan badeecadaha iyo in laga hortago kuwa Ruushhka ku taageera diyaaradaha Drooniska ee lagu weeraro Ukrine.
Cunaqabateynadaan ayaa ah kuwii ugu adkaa ee ay soo rogaan Wadamada xubnaha ka ah EU-da, si ay Ukrine uga caawiyaan in ay ku guuleysato dagaalka,