Mid kamid ah Maleeshiyaadka Al-Shabaab oo isku soo dhiibay Maamulka G/Baay

La wadaag cid kale

Maxamed Cabdi Xasan, oo ka tirsan maleeshiyaadka argagaxisada ah ee Al-Shabaab ayaa isku soo dhiibay maamulka degmada Qansax-dheere ee gobolka Baay, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha ka howlgala Gobolkaasi.

Maamulka iyo saraakiisha ciidanka ee degmada ayaa soo dhoweeyay ninkaasi ka tirsanaa Alshabaab oo sidoo kale la soo baxsaday hubkii uu ku howlgali jirey intii uu kamid ahaa kooxda nabad diidka.

Maxamed waxaa uu ka howlgali jirey degaanada hoostaga degmada Qansax-dheere, wuxuuna hadda go’aansaday in uu ka haro isla markaana ka faa’ideysto cafiska madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya uu u  fidiyay maleeshiyaadka ka tirsan kooxaha argagaxisada ah.

Muddooyinkan dambe, waxaa isa soo tarayay maleeshiyaadka Alshabaab ee ku soo biiraya shacabka, iyadoo arrintaas  khubarada dhanka amniga ay ku faaleeyeen in ay sababtu tahay ciidanka oo  kordhiyay howlgalada ka dhanka ah kooxahaaas.

 

La wadaag cid kale