Ugu yaraan 39 qof ayaa dhintay,29-kalana waxaa soo gaaray dhaawacyo,ka dib markii uu dab ka kacay xarun lagu hayo dadka tahriibayaasha ah oo ku taalla waqooyiga Mexico ,isla markaana u dhow xadka Maraykanka.
Machadka socdaalka qaranka Mexico,aaa sheegay in Xarunta lagu hayey 68 ruux oo qaangaar ah oo ka kala yimid Bartamaha iyo Koonfurta Laatiin Ameerika.
Dabka ayaa ka kacay Ciudad Juarez, oo ku taal xuduudka El Paso, Texas,waxaana mid ka mid ah kooxaha wax badbaadiya oo qariyay magaciisa uu sheegay in goobtaasi ay joogeen ilaa 70 muhaajiriin ah, oo u badan Venezuela.
29-ruux oo la ildaran dhaawacyo kala duwan ayaa loola cararay cisbitaalada,waxaana dhinaca kale Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Mexico uu bilaabay baaritaan ku saabsan waxa sababay dabkaasi.