Muqdisho, (SONNA):- Maxkamadda Rafcaanka gobolka Banaadir ayaa maanta soo gaba-gabeysay dacwad rafcaan ah oo eedeysanayaal ay ka yihiin saraakiil ka tirsan Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Dowladda Soomaaliya taasoo soo socotay tan iyo Bishii 11aad ee Sannadkii Tagay.
Qeybta hore ee fadhiga Maxkamadda ayaa waxaa lagu dhageystay Marqaatiyaal ay dalbatay Maxkamadda oo uu ka mid yahay sargaal ka tirsan Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda kaasoo wax laga weydiinayay xogta uu keydiyay systemka Hey’adda gaar ahaan sannadaha la sheegay in Lacago lunsaday adeegyadii la qabtay.
Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka gobolka Banaadir Saciid Cali Maxamed oo ahaa guddoomiyaha guddiga garsoorka dacwadda ayaa sheegay in dacwadii ay soo gaba-gabeysay maxkamadda dhawaan ay soo saari doonta xukunka.” Dacwadii maanta intaas ayaan kusoo afmeernay, dhinacyada iyo eedeysanayaasha waxaana soo sheegi doonaa waqtiga xigga ay maxkamadda ku dhawaaqi doonto xukunka.
Dacwadda maanta la soo gaba-gabeeyay ayaa waxaa eedeysanayaal ka ahaa:
1. Saabir xasan Cabdi Nuur
2. Cabdullaahi Maxamuud Cosoble.
3. Cumar Macalin Nuur (c.kartiin)
4. Aadan Maxamed Cabdi
Waxay dhammaan ka tirsanaayeen Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda waxaana dhammaadka sannadkii hore xukuno kala duwan hore ugu soo riday maxkamadda gobolka Banaadir marka laga reebo Aadan Maxamed Cabdi oo maxkamadda ay fasaxday markii ay ku waysay waxyaabahii lagu soo eedeeyay.