Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhoweeyay London
    January 30, 2026
    Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya
    January 30, 2026
    wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga
    January 30, 2026
    Ciidanka xoogga oo hawlgal ku dilay xubno ka tirsanaa khawaarijta
    January 29, 2026
    Ergada Soomaaliya ee qaramada midoobay oo munaasabad casho ah u qabtay danjireyaasha iyo diblomaasiyiinta ka hawlgala xarunta QM
    January 29, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Maxkamadda Ciidamada oo xukun dil ah ku fulisay saddex xubnood oo ka tirsanaa khawaarijta
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Maxkamadda Ciidamada oo xukun dil ah ku fulisay saddex xubnood oo ka tirsanaa khawaarijta
GudahaWararka

Maxkamadda Ciidamada oo xukun dil ah ku fulisay saddex xubnood oo ka tirsanaa khawaarijta

By Aadan Sooyaal
Last updated: March 15, 2023
3 Min Read
Share

Muqdisho-(SONNA)-Maxkamadda Ciidamada qalabka side ayaa maanta xukun dil ah ku fulisay saddex dhagar-qabe oo kala ahaa Maxamed Cabdulle Abkow Cumar (Biyamaalow), ย Shariif Maxamed Barqadle Ayaanle (Jeego) iyo Maxamed Cabdi Nuur Jiirow (Dhaqtar Fanax).

Raggan la toogtay ayaa waxay ku eedeynaayeen inay khawaarijta Al-shabaab u fuliyeen falal isugu jira qaraxyo iyo dilal.

1-Maxamed Cabdulle Abkow Cumar (Biyamaalow).ayaa khawarijta u fuliyay weraro argagixisnimo Disemar 14kii sanadki tagay weerar uu ka geystay maqaaxida Baar Caga weyne iyo dabley khawaarij ah oo uu u dusiyay garoonka Aadan cadde ee magaalada muqdisho,11-qof ayaa ku dhimatay gaari qarax ah oo uu dhigay maqaayadda caga weyne 16-kalana way ku dhaawacmeen.

Marso 23-2022 ayuu laba dabley ah geliyay garoonka, halkaas oo uu ku naf waayay Cabdirasaq Aabi Cali oo kamid ahaa ciidamadii ka fal celinayay weerarka, maanta ayaana lagu fuliyay xukunka dilka ah.

Abkow waxa uu ahaa laba xiddigle CXD sida uu sheegtay, balseย  tirakoobkii ciidanka ayaa laga saaray ciidamda kadib markii la waayay sax ahaanshahiisa xiddigaha uu sheegatay ,wuxuuna xilligaa kadib la saftay argagixisada xilli danbe sanadkii 2018-kii, wuxuu ahaa 36 jir ku dhashay degmada Jamaame ee gobolka Jubada hoose.

2-Shariif Maxamed Barqadle Ayaanle (Jeego) 12-kii January ee sanadkan ayaa lagu xukumay dil toogasha ah, kadib markii qarax uu dhigay Muqdisho Mool bishii 4-tii febaraayo 2019, weerarkaas waxaa ku naf waayay 16- qof halka 38 kalana ay ku dhaawacmeen inta la xaqiijiyay.

Jeego waxa uu soo noqday taliye urur, wuxuuna ka gaaray darajada ciidamada (Dhame) wuxuuna Sanaddii 2018 la saftay argagixisada, wuxuu ahaa 53-jir ku dhasahay Wisil gobolka Mudug.

3- Maxamed Cabdi Nuur Jiirow (Dhaqtar Fanax) ayaa January 15-dii sandkan lagu xukumay dil toogasho ah, waxa uu argagixisada ka mid ahaa illa soo ifbaxoodii, waxa uu ka soo shaqeeyay wax walba oo ay argagixisadu sameeyso, waxa uu ku dhiirraday in uu iska dhigo Sarkaal, Dhakhtar ama Shaqaale Rayid ah oo ka tirsan hay’adaha dowladda.

Wuxuu ahaa 38-jir ku dhashay Hiiraan, waxa uu lahaa fulinta werarro lagu qaaday dhallinyaro kubbad ku daawaneysay Garasballeey duleedka Muqdisho, waxa halkaasi ku dhintay saddex ruux oo uu ku jiray wiil yar oo afar jir ahaa.

Qaraxyo ka dhacay July labadeedii iyo Agoosto 19 maqaayado ay lahayeen dad danyar ah ayuu fulinteeda qeyb ku lahaa, waxana ku dhintay 20-qof 11-kalana way ku dhaawacmeen.

Feebaraayo 12 keedii waxa uu Ceel gaabta geeyay dhagar qabihii isku qarxiyay ergadii doorashada reer waqooyiga, hal askari ayaa halkaas ku dhintay , 11-kana way ku dhaawacmeen, maanta ayaa seddexdaba laga oofiyay xadka qisaasta ahaa.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhoweeyay London

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al…

January 30, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Maxay ka yiraahdeen madaxda maamul gobaleedyada dhameystirka Dastuurka?

Muqdisho (SONNA):- Qaar ka mid ah Madaxweynayaasha maamul gobaleedyada dalka oo ka hadkay dhameystirka Dastuurka KMG ah ayaa soo dhaweeyey…

GudahaWararka
January 25, 2024

Madaxweynaha Shiinaha oo Warqadaha Aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay Marwo Hodan

Beijing (SONNA) - Maanta oo ay taariikhdu tahay 12-12-2024, Danjiraha Soomaaliya ee Dalwaynaha Shiinaha Danjire Marwo Amb Hodan Cismaan Cabdi…

GudahaWararka
December 12, 2024

Maxkamada ciidanka oo xukuntay riday xubin ka tirsana Khawaarijta Al-shabaab

Muqdisho (SONNA) Cali Abuukar Jimcaale Rooble, ayaa loo soo xiray sadaxdii November ee sanadkii hore ka mid ahaanshaha Khawaarijta Alshabaab,…

GudahaWararka
March 21, 2023

Wasiirka Maaliyadda XFS oo Dekeda Muqdisho ku soo dhoweeyey wafdi ka socda dowladda Ingiriiska

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo ay Wehlinayaan Agaasimaha Guud ee Dakhliga, Maamulaha Dekadda Muqdisho, Agaasimaha…

GudahaWararka
August 7, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023