Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiir Xasan Xuseen “Waxaan ka shaqeyn doonaa sidii xal loogu heli lahaa caafimaadka xoolaha”
    February 20, 2026
    Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya
    February 20, 2026
    Heshiisyada wadajirka ah ee kala saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya ayaa qeexaya in kheyraadka dabiiciga ah ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed
    February 19, 2026
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Soomaaliya
    February 19, 2026
    Wasiirka dekedaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyay meel marinta axdiyada muhiimka ah
    February 19, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Maxkamadda Ciidamada oo xukun dil ah ku fulisay saddex xubnood oo ka tirsanaa khawaarijta
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Maxkamadda Ciidamada oo xukun dil ah ku fulisay saddex xubnood oo ka tirsanaa khawaarijta
GudahaWararka

Maxkamadda Ciidamada oo xukun dil ah ku fulisay saddex xubnood oo ka tirsanaa khawaarijta

By Aadan Sooyaal
Last updated: March 15, 2023
3 Min Read
Share

Muqdisho-(SONNA)-Maxkamadda Ciidamada qalabka side ayaa maanta xukun dil ah ku fulisay saddex dhagar-qabe oo kala ahaa Maxamed Cabdulle Abkow Cumar (Biyamaalow),  Shariif Maxamed Barqadle Ayaanle (Jeego) iyo Maxamed Cabdi Nuur Jiirow (Dhaqtar Fanax).

Raggan la toogtay ayaa waxay ku eedeynaayeen inay khawaarijta Al-shabaab u fuliyeen falal isugu jira qaraxyo iyo dilal.

1-Maxamed Cabdulle Abkow Cumar (Biyamaalow).ayaa khawarijta u fuliyay weraro argagixisnimo Disemar 14kii sanadki tagay weerar uu ka geystay maqaaxida Baar Caga weyne iyo dabley khawaarij ah oo uu u dusiyay garoonka Aadan cadde ee magaalada muqdisho,11-qof ayaa ku dhimatay gaari qarax ah oo uu dhigay maqaayadda caga weyne 16-kalana way ku dhaawacmeen.

Marso 23-2022 ayuu laba dabley ah geliyay garoonka, halkaas oo uu ku naf waayay Cabdirasaq Aabi Cali oo kamid ahaa ciidamadii ka fal celinayay weerarka, maanta ayaana lagu fuliyay xukunka dilka ah.

Abkow waxa uu ahaa laba xiddigle CXD sida uu sheegtay, balse  tirakoobkii ciidanka ayaa laga saaray ciidamda kadib markii la waayay sax ahaanshahiisa xiddigaha uu sheegatay ,wuxuuna xilligaa kadib la saftay argagixisada xilli danbe sanadkii 2018-kii, wuxuu ahaa 36 jir ku dhashay degmada Jamaame ee gobolka Jubada hoose.

2-Shariif Maxamed Barqadle Ayaanle (Jeego) 12-kii January ee sanadkan ayaa lagu xukumay dil toogasha ah, kadib markii qarax uu dhigay Muqdisho Mool bishii 4-tii febaraayo 2019, weerarkaas waxaa ku naf waayay 16- qof halka 38 kalana ay ku dhaawacmeen inta la xaqiijiyay.

Jeego waxa uu soo noqday taliye urur, wuxuuna ka gaaray darajada ciidamada (Dhame) wuxuuna Sanaddii 2018 la saftay argagixisada, wuxuu ahaa 53-jir ku dhasahay Wisil gobolka Mudug.

3- Maxamed Cabdi Nuur Jiirow (Dhaqtar Fanax) ayaa January 15-dii sandkan lagu xukumay dil toogasho ah, waxa uu argagixisada ka mid ahaa illa soo ifbaxoodii, waxa uu ka soo shaqeeyay wax walba oo ay argagixisadu sameeyso, waxa uu ku dhiirraday in uu iska dhigo Sarkaal, Dhakhtar ama Shaqaale Rayid ah oo ka tirsan hay’adaha dowladda.

Wuxuu ahaa 38-jir ku dhashay Hiiraan, waxa uu lahaa fulinta werarro lagu qaaday dhallinyaro kubbad ku daawaneysay Garasballeey duleedka Muqdisho, waxa halkaasi ku dhintay saddex ruux oo uu ku jiray wiil yar oo afar jir ahaa.

Qaraxyo ka dhacay July labadeedii iyo Agoosto 19 maqaayado ay lahayeen dad danyar ah ayuu fulinteeda qeyb ku lahaa, waxana ku dhintay 20-qof 11-kalana way ku dhaawacmeen.

Feebaraayo 12 keedii waxa uu Ceel gaabta geeyay dhagar qabihii isku qarxiyay ergadii doorashada reer waqooyiga, hal askari ayaa halkaas ku dhintay , 11-kana way ku dhaawacmeen, maanta ayaa seddexdaba laga oofiyay xadka qisaasta ahaa.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiir Xasan Xuseen “Waxaan ka shaqeyn doonaa sidii xal loogu heli lahaa caafimaadka xoolaha”

Muqdisho.SONNA...Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa ee XFS Mudane Xasan Xuseen Maxamed Eelay oo…

February 20, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaliya oo kulan la yeeshay madaxda howlgalka midowga Afrika ee ATMIS

Muqdisho-(SONNA)-Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Sulub Axmed Firin ayaa kulan la yeeshay madaxa howlgalka midowga Afrika ee Soomaaliya,( ATMS),…

GudahaWararka
July 23, 2023

Taliyaha Ciidanka Asluubta oo kormeeray dhismooyin ka socda taliska guud

Kormeerkan oo ahaa mid uu taliyahu ugu kuurgelayay halka ay marayaan dhismayaal ka socda taliska guud iyo sida ay uga…

Wararka
October 14, 2020

Madaxweynaha Puntland oo la kulmay Wafdi ka socda Beesha Caalamka “SAWIRRO”

Muqdisho (SONNA)-Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay Wafdi ka socda Beesha Caalamka…

GudahaWararka
June 9, 2021

Wasiirka Gaashaandhigga JFS oo kulan miro dhal ah la yeeshey ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u fadhiya Soomaaliya

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga JFS Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa kulan miro dhal ah la yeeshey ergeyga gaarka ah ee Qaramada…

GudahaWararka
January 12, 2022

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023