Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Taliyaha ciidanka dhulka oo ka qaybgalaya bandhigga Teknolojiyadda Militariga ee Istanbul
    July 23, 2025
    Isbadallada dowladdu ka samaysay ilaalinta Qaranimada iyo xasilinta dalka (Faallo)
    July 23, 2025
    Duqa muqdisho oo qaabbilay kusimaha Safiirka Libiya u fadhiya Soomaliya
    July 23, 2025
    Madaxweynaha Hirshabeelle oo qaabbilay wafdi ka socda Unicef
    July 23, 2025
    Soomaaliya iyo Sacuudiga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka maalgashi ee u dhexeeya labada dowladood
    July 23, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya
    July 18, 2025
    Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka
    July 11, 2025
    Baadigoobka dad lagu la’yahay daadadkii Texas oo weli socda
    July 6, 2025
    Donald Trump oo riixaya xabbad-joojin cusub oo laga hirgaliyo Gaza
    July 4, 2025
    Turkiga oo qorsheynaya in la ballaariyo nidaamka hubka difaaca ee dallkiisa
    June 27, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Isbadallada dowladdu ka samaysay ilaalinta Qaranimada iyo xasilinta dalka (Faallo)
    July 23, 2025
    Horumarka laga gaaray dagaalada ka dhanka ah Kooxaha Khwaarjta
    July 21, 2025
    Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)
    July 18, 2025
    Cabdulqaadir Ikrama oo Madaxiisa saran tahay $5 Milyan
    July 14, 2025
    Sidee buu iskaashiga BRICS u qaabeynayaa Mustaqbalka Afrika? (WARBIXIN)
    July 12, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Raโ€™iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho ooย berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Maxaa ka fulay balanqaadkii Madaxweyne Xasan Sheekh ee ciribtirka Khawaariijta
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Maxaa ka fulay balanqaadkii Madaxweyne Xasan Sheekh ee ciribtirka Khawaariijta
MaqaalladaWararka

Maxaa ka fulay balanqaadkii Madaxweyne Xasan Sheekh ee ciribtirka Khawaariijta

By Axmed
Last updated: February 5, 2023
6 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-12kii bishii May,2022. Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Dr. Xasan Sheekh Maxamuud inta uusan ku guuleysan kursiga madaxweyne, maalinkaa wuxuu weydiistay Baarlamaanka in ay codkooda siiyaan, wuxuuna balan qaaday inuu ciribtirayo Khawaarijta Al-shabaab, waxna ka qabanayo amni-darada iyo dib u dhiska heyโ€™addaha Dowladda.
โ€œ Waxaan diiradda saari doonaa oo ugu horeeyo haddii uu Alle yiraahdo waa amniga, oo ah in dalka dib loo xorreeyo, lagana xoreeyo Khawaarijta, la isku furo waddooyinka magaalooyinka si ganacsiga iyo dadka si xor ah isaga kala gudbaan,โ€ Ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha oo sii adkeynaya balanqaadkiisii ahaa ciribtirka Khawaarijta Al-shabaab ayaa madaxtooyada qaranka kula kulmay dhammaan madaxda xukuumadda iyo dhammaan madaxweynayaasha maamul gobolleedyada dalka,isaga oo goโ€™aamiyay kulanka ka dib in ciqaab adag la marsiin doono kooxaha Khawaarijta arxanka daran, islamarkaana dowladda hadaf ka dhigatay dabar-goynta argagixisada.

โ€œ Nin kasta oo Shabaab ah waa hadaf,ciidan kasta oo Shabaab ah waa hadaf, qof kasta oo Shabaab ah waa hadaf, sida dadka Soomaaliyeed ay hadaf uga dhigteen u dilayaan iyaguna waa hadaf, agtooda ha ku dhaawacmin hana ku dhiman ka fogow, waala duqeynaa, waa lala diriraa, waa lagu duulaa, waa laga dul degaa, wax walba oo dagaal ku furan yahay ayaa ku furan Al-shabaab,โ€ ayuu yiri madaxweynaha.

Mudo kooban waxa ku hirgalay goโ€™aanka madaxweynaha, waxaa dagaal toos ah lagu qaaday goobihii ay ku joogeen Khawaarijta, ciidamada qaranka oo kaashanaya xoogagga kacdoonka dadweynaha ayaa wiiqay awooddii Al-shabaab ee naf-lacaariga ahaa.
โ€œ Magacii Soomaaliya ayaa soo celiseen, kii ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed soo celiseen, kiiniyaa soo celiseen, waana idin kaga mahadcelineynaa, ma lihin waajibkoodi ayuu ahaaye mahad iyo bogaadin iyo waxaad mudan tihiin abaalmarin intaba,โ€.

Howlgalkii ugu adkaa ayaa ka dhacay Hirshabeelle gaar ahaan gobolka Hiiraan oo ahaa meelihii ugu adkaa ee Khawaarijta ay ku dhuumaaleysanayeen, waxaana dagaalladaas lagu gaarsiiyay Khasaaro culus, waxaa la dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad Khawaarijta badan oo muddo sanado ah deegaannadaas ku gambanayay.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan ayaa xilligaas jeediyay war farxad leh oo ku aaddanaa in Khawaarijtaas ay ku jabeen howlgalladii lagu qaaday.
โ€œ Wallaahi, Billaahi, Tallaahi, waa aniga idin dhaartee Shabaab waa bur buray, qofkii dullinimo ku noolaan lahaa iyo qofkii xoriyad ku noolaan lahaa Shabaab waa bur buray, annaa idin sheegayee, waa bur buray, Shabaab waa tegey, war qof walbow markaa haka cararin waxaadan hubin,โ€.
Hadalka guddoomiyaha gobolka Hiiraan, wuxuu soo jeediyay Bulshada Soomaaliyeed oo qaarkood madaxa la qaadi laโ€™aa cabsida ay ka qabeen dhagar qabayaasha Al-shabaab ee dhiiggooda banneystay.

Waxaa xusid mudneyd,in furimaha dagaalka ay soo buux dhaafiyay kumannaan naftood huriyaal ah oo diyaar u ah in ay ka qeyb qaataan dagaalka dalka looga sifeynayo Khawaarijta Al-shabaab, iyagoo aan la gambaneyn garab istaagooda isugu jira naf iyo maal.

Odayaasha iyo hoggaanka dhaqanka ayaa ahaa hormuudka ka soo muuqday furimaha hore ee dagaalka, kuwaas oo qaarkood ku Shihiiday sidii Khawaarijta looga dul qaadi lahaa shacabka.โ€œ Waxaan u sheegayaa ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan in ay ka qeyb qaataan dagaalkaas socda, nimankan dalka,dadka iyo Diinta ku soo duulay, in meel looga soo wada jeesto, oo aanay maqlin hadalkood, hadalkooda wuxuu daaran yahay dibiga cad ayaan rabaa ee dibiga madoow ma rabo, waxaan idin sheegayaa in doon la isla saaran yahay,โ€ ayaa lagu xusuustaa Alle ha u naxariistee Nabadoon cilmi Hagar ( Nabadoonkii qorriga u qaatay in dalka laga xorreeyo khawaariijta Al-shabaab).

Shihiid Hibaad Cali Dasar ayaa yiri โ€œ Annagoo ah dad rayid oo ku nool tuulo hoostaga degmada Aadan-Yabaal oo la yiraahdo Guulane, waxaa nagu kalifay 8-sano ayaa wadanku naga kireysnaa intaas maal ayaan bixin jirnay, waxay noola yimaadeen in kiradii ay badiyeen, in la bixiyo maal waxay nagu geysay in nala yiraahdo dadkiina keenna carruurtiina, gabdhihiina iyo wiilashiina keenna,
Mid ka mid ah dad xoogagga kacdoonka dadweynaha ayaa ku ammaanay dowladda federaalka sida ay ugu garab istaagtay dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta ayaa yiri โ€œDowladda waa na garab istaagtay, waa noo waabisay, waa kala raacdeysay, waana leysay annaguna waa dhaawac tirnay,dowladda in badan ayay ku mahadsan tahayโ€.

Iskaashiga ciidanka qaranka iyo Bulshada hareeraha ka joogta ayaa sahlay in maleeshiyada Al-shabaab laga nadiifiyo degmooyinka iyo deegannadii ugu badnaa ee dowlad gobolleedyada Hirshabeelle iyo Galmudug, waxayna dowladda federaalka hadda isku diyaarineysa howlgalka wejigiisa labaad oo ka bilaaban doona deegaannada maamulada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Shacabka Soomaaliyeed ayaa guullo wax ku ool ah ka gaaray halganka dib u xorreynta dalka.

Dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku suntan isla xisaabtam iyo waxqabad, waxayna noqotay mid dhageysata dadkeeda, dhabaha dimuqradiyadda waxaa saldhig u ah Somali heshiis ah dunidana heshiis la ah,โ€.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Taliyaha ciidanka dhulka oo ka qaybgalaya bandhigga Teknolojiyadda Militariga ee Istanbul

Istanbul (SONNA): Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Sarreeye Sahal Cabdullaahi Cumar iyo saraakiil kale…

July 23, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ciidanka xoogga Dalka oo ka warbixiyay howl-gallo ka dhacay Shabeellada dhexe

Jowhar-(SONNA)-Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howl-gallo lagu xaqiijinayo ammaanka ka fuliyay qeybo ka mid ah Gobolka Shabeellada dhexe. Taliyaha qeybta…

Wararka
July 12, 2020

Wasiir Maareeye oo ka hadlay wax-qabadka Dowladda intii ay jirtay

Muqdisho-(SONNA)-Berri waxa ay ku beegan tahay 8-da February markii la doortay Madaxwenaha Dowladda Federaalka , mudane; Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo)…

Wararka
February 8, 2020

Soomaaliya iyo Muritaaniya oo iska kaashanaya ka hor tagga masiibooyinka

Kuwait((SONNA):-Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Musiibooyinka, Md. Maxamuud Macallin Cabdulle, oo hoggaaminaya wafdiga Dowladda Soomaaliya ee ka qeyb-galaya Madasha 6-aad ee Dalalka…

GudahaWararka
February 13, 2025

Deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan oo laga xoreeyey Khawaarijta

Baladweyne (SONNA): Hawlgal ay ciidamada Qaranka iyo xoogaggga deegaanku ka sameeyeen degaanada bariga gobolka Hiiraan ayaa lagu guuleystay in laga…

GudahaWararka
January 27, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023