Muqdisho (SONNA): Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, Wasiir Ku-Xigeenka Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar Al-Cadaala, Agaasimaha Guud Cabdullaahi Xayir Ducaale, iyo madaxda kale ee wasaaradda, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday Abwaan Sugaal Cabdulle, oo ka tirsanaa Kooxda Heegan ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.
Abwaan Sugaal Cabdulle, oo muddo dheer ka tirsanaa kooxda Heegan, ayaa door muuqda ka qaatay wacyigelinta iyo horumarinta fanka Soomaaliya. Marxuumka ayaa maanta lagu aasay deegaanka Gelinsoor ee gobolka Galgaduud.
Mas’uuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta ayaa Alle uga baryay in uu u naxariisto marxuumka, kana waraabiyo Jannatul Firdowsa, qoyskii iyo eheladii uu ka tagayna uu samir iyo iimaan ka siiyo. .