Madaxweyne ku-xigeenka Labaad ee Dowlad-goboleedka Jubaland, Wasiirro iyo saraakiil ka tirsan Jubaland, ayaa deeq raashin ah gaarsiiyay in ka badan 2 kun oo qoys oo ka mid ah dadkii ay abaartu soo barakkcisay ee ku nool tuulooyinka Goobweyn, Yoontoy iyo Buulo Guduud.
Deeqdan gargaarka ah oo ka timid Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta, ayaa loo qeybiyay labo kun oo qoys oo ku nool xeryo kala duwan.
Madaxweyne ku-xigeenka 2aad ee Jubaland Cabdulqaadir Xaaji Maxamuud Lugadheere ayaa dowladda Imaaraadka ugu mahadceliyay deeqdan ay soo gaarsiisay dadka danyarta ah ee ku xoolo beelay abaaraha dalka ku dhuftay iyo sida ay ugu soo gurmatay shacabka Soomaaliyeed ee tabaaleysan.
Mas’uuliyiintaasi wqaxa ay qireen in dhawaan gargaar kale oo bini aadanimo la gaarsiin doono qoysaska ay abaaruhu saameeyeen.