Muqdisho (SONNA):- Kulan ciyaareed u dhexeeya kooxaha Kubadda Cagta Horseed iyo Heegan oo kala matala Ciidamada Boliiska iyo Milatariga ayaa galabta lagu qabtay Garoonka Ciyaaraha Stadium Muqdisho.
Waxaa u daawasho tagay Ciyaartan Mas’uuliyiin ay ka mid yihiin, Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya Maxamed Cabdi Bare, Wasiiru Dowlaha Amniga Gudaha XFS Maxamed Cali Xagaa, Wasiiru dowlaha Howlaha Guud XFS Bashiir Maxamed Jaamac, Agaasimaha hay’adda NISA Mahad Maxamed Salaad, Taliyaha Ciidanka Boliiska Taliyaha Ciidanka Boliiska iyo masuuliyiin kale.
Ciyaarta ayaa ku soo dhammaatay 4-0 oo ay kooxda Horseed ee ciidanka xoogga dalku ugu awood sheegatay xidigaha Heegan ee Ciidanka Boliiska.