Mareykanka ayaa duqeyn xagga cirka ah oo uu kaga horjeeday ย maleeshiyaadka ay taageeraan Iiraan ka fulyay Iraq and Syria,sida ay shaaciyeen xafiiska gaashaandhigga Mareykanka ee Pentagon .
Weeraradaasi duqeynta ah ayaa lala beegsaday xarumaha howlgalka iyo keydka hubka , iyada oo laga jawaabayo weeraro maleeshiyaad ay ku qaadeen ciidamada Mareykanka.
Falkaan uu ku dhaqaaqay Mareykanka waa tallaabaii labaad ee uu fuliyay Madaxweynaha dalkaasi,tan iyo markii uu xafiiska la wareegay.
Ciidamada Mareykanka ee fadhigoodu yahay Ciraaq waxaa marar badan lagu soo weeraray diyaaradaha aan duuliyaha laheyn,iyadoo Iiraan ay beenisay inay wax lug ah ku leedahay.
2,500 oo askari oo Mareykan ah ayaa ku sugan halkaa kuwaas oo qeyb ka ah isbaheysiga caalamiga ah ee la dagaalamaya kooxda jihaad doonka ah ee Daacish (IS)