Maraykanka ayaa la filayaa in Dalka Ukrine uu u diro Black Hornet Nano diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee wax ilaaliya,isla markaana ย ay adeegsadaan ciidamada, taas oo qayb ka ah $400-milyan oo gargaar ciidan ah, sida laga soo xigtay Pentagon-ka.
Hadaladaan ayaa yimid xilli madaxweynaha Ukrine Zelenskyy uu xabsiga dhigay sarkaal ciidan oo lagu eedeeyay wax isdaba marin iyo xildhibaan lagu eedeeyay in uu gacan saar la lahaa Ruushka.
Wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa sheegtay in mid ka mid ah maraakiibtiisa Fleet ee Badda Madow uu burburiyay laba Droonis oo ay lahaayeenciidamada badda Ukraine.
Sharci-dajiyayaasha Ingiriiska ayaa soo jeediyay in cunaqabatayn dheeraad ah la saaro kooxda Wagner, waxayna ku taliyeen in xukuumadda UK ay kooxdaasi ku calaamadeeyaan urur argagixiso.