Mareykanka ayaa sheegay in bisha soo socota uu bilaabi doono tababaridda duuliyayaasha Ukraine ee la qorsheeyay in ay ku howlgalaan diyaaradaha dagaalka ee loo yaqaanno F-16,si loo xoojiyo difaaca hawada ee dalkaasi.
Duuliyayaasha ayaa la geyn doona dalka Maraykanka bisha Sebtembar halkaas oo ay marka hore baran doonaan luuqada English-ka ka hor inta aysan bilaabin tababarkooda ku saabsan sida loo duuliyo diyaaradaha ย heerka sare ee F 16.
Afhayeenka Pentagon, Pat Ryder oo ka hadlayay Washington DC Khamiistii, ayaa sheegay in tababarka Texas iyo Arizona ay ka qeybgali doonaan dhowr duuliye iyo darasiin shaqaale ah si ay u ilaaliyaan diyaaradahaasi.
Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden oo la hadlay khamiistii dhiggiisa Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa sheegay in ay ka goโan tahay taageeridda difaaca Ukraine ee ka dhanka ah waxa lagu qeexay gardarrada Ruushka.
Tallaabadaan ayaa waxa ay balaarineysaa qorshayaasha xulafada Yurub, gaar ahaan dalalka ย Denmark iyo Nederland ay ku doonayaan in ay diyaarado u diraan UKrine,iyadoo Dalka Norway uu sheegtay in ay diyaarado dagaal siin doonto dalkaasi.