Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ee Afrika, Molly Phee ayaa sheegay in dalkiisu uu Midowga Afrika, IGAD, iyo ururrada kale ee caalamiga ah la wadaagayo aragtida ah in la ย ixtiraamo madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.
Waxaan walaac ka qabnaa in heshiiska is-afgarad ee la soo jeediyay uu wax weyn u dhimi karo halganka aan wadaagno ee sidoo kale Itoobiya ay uga qeybqaadaneyso ย la dagaalanka Al-shabaab iyo saameynta xun ee ay ku leedahay dadka Soomaaliyeed ayuu yiri kaaliyaha xoghayaha.
Kaaliyaha ayaa xusay in uuย taageersan yahay ย wada-hadallada u dhexeeya dadyowga Soomaaliya iyo Somaliland ,kaas oo ku saabsan in mustaqbalka ay wadaagaan arrimahooda.