Dowladda Mareykanka ayaa mar kale ku yaboohday lacago abaal-marin ah oo dhan $10m,isla markaana la siinayo ciddii soo sheegta xog ku saabsan Maxamud Cabdi Aadan, oo lagu eedeyay in uu ka dambeeyay weerarkii 2019-kii lagu qaaday hotel iyo xafiisyo ku yaalla caasimadda Kenya ee Nairobi, sanadka 2019-ka.
Maxamud Cabdi Aadan ayaa la sheegay in uu qeyb ka ahaa kooxdii qorsheysay weerarkii hotel DusitD2,kaas ย oo sababay dhimashada 22 qof,waxaana weerarkaasi sheegatay Kooxda Al-Shabaab ee fadhigeedu yahay Soomaaliya.
Dhowr qof oo lagu eedeeyay in ay doorar kala duwan ku lahaayeen weerarka ayaa la xiray, waxaana la soo taagay maxkamadmbalse ma jirto cid lagu xukumay eedeymaha la xiriira weerarka.
Maraykanka ayaa sheegay in ninkaasi sidoo kale lala baadi goobayo kooxo kale oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Al-shabaab.
Horaantii todobaadkan, Mareykanka ayaa $10m dul dhigay hogaamiyihii Al-Shabaab Macalin Ayman oo la tilmaamay in uu Kaalin ku lahaa weerarkii lagu qaaday saldhig ciidan oo ay ku sugnaayeen ciidamada Kenya iyo Mareykanka oo ku dhow xadka Soomaaliya.
Maraykanka waa saaxiib muhiim ah oo ka qeybqaata howlgalka Midowga Afrika ee la dagaalanka Al-shabaab.