Dowladda Mareykanka ayaa ugu baaqday ciidamada Qaranka dalka Liibiya in ay joojiyaan dagaalada hujuuumka ah ee ay ku qaadayaan magalaada caasimadda ah ee Tripoli .
Hadaladaasi ayaa ka dambeeyay bayaan ay maalinimadii Khamiista soo sareen Waaxda Arimaha Dibadda ee Mareykanka ka dib markii wadahadallo lala yeeshay wafdi ka socdayย dowladda xarunteedu tahay Tripoli/
Washington ayaa ku eedeysay Moscow inay ka faaโiideysaneyso khilaafka ka taagan dalka Liibiya,waxayna ku boorriyeen Generaal Khalifa Haftar in uu joojiyo weerarada ay ciidamadiisu ka wadaan caasimada Libya.
Ciidamada Libya ayaa u kala qeybsamay kooxo iska horjeeda oo xarumo ka kala dhigtay Tripoli iyo bariga tan iyo sanadkii 2014,waxaana mudadaasi sii kordhay kala duwanaanta fikradaha kooxaha hoggaamiyaasha kadib markii ay NATO horay u taageertay afgembigii taliyihii muddada dheer jiray Mucamar Qaddaafi saddex sano ka hor.
Bishii Abriil ee sanadkaan ย Haftar iyo ciidamadiisu waxay bilaabeen duullaan si uu ula wareego caasimada Liibiya oo xarun u ah dowladda ay aqoonsan yihiin caalamka.