Ergeyga Mareykanka ee Afganistan,Zalmay Khalilzad,oo haatan u ambabaxay Dalka Qadar,ayaa lagu wadaa in uu ka qeybgalo kulan ka dhacaya magaalada Dooxa oo la doonayo in Taalibaan lagu cadaadiyo sidii ay u joojin laheyd dagaalada ay ka wadaan dalka Afganistaan.
Ambabaxa ergayga ayaa la xaqiiijiyay in ay ka dambeysay waaxda arrimaha dibedda Mareykanka,ka dib markii kooxda hubaysan eeTaalibaan ay qabsadeen xarumo badan oo ka tirsan gobollada dalka Afganistaan.
Wadahadalada ka dhacaya Dooxa todobaadkaan,waxaa ka qeybgalaya wakiillo ka socda waddamada gobolka ,kuwa ka baxsan gobolka iyo sidoo kale ururo,waxaana la doonayaa in kulankaasi looga hadlo joojinta colaadaha,xabbad-joojin dhaqan gasha iyo in aan la aqoonsan dowlad ku timid xoog oo ka dhalata Afganistaan.
Maalinimadii shalay Taalibaan ayaa ku dhawaaqday inay afar maalmood gudahood ay qabsadeen caasimaddii lixaad ee qaar ka mid ah gobolada Afganistaan. โโ