Dibolaamaasiyiin sare oo ka socda Maraykanka iyo Shiinaha ayaa ka wada hadlay xiisadda sii kordheysa ee u dhaxaysa Ukraine iyo Ruushka, iyagoo ku nuuxnuuxsaday baahida loo qabo tillaabooyin lagu qaboojiyo xaaladda kacsan ee sii kordheysa.
Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken oo la kulmay wasiirka arrimaha dibadda Wang Yi ayaa sheegay in khatar amni iyo mid dhaqaale oo caalamiga ah ay ka dhalan karta gardarrada dheeraadka ah ee Ruushku ku hayo Ukraine. Sida ay baahisay wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka .
.Labada madaxย ย waxay sidoo kale ka wadahadleen “sidii loo horumarin lahaa wada shaqaynta” ka dib kulankii khadka tooska ah ee dhex maray madaxweynaha Mareykanka Joe Biden iyo dhiggiisa Shiinaha Xi Jinping bishii November ee sanadkii hore.