Muqdisho.(SONNA):- Kooxda Khawaarijta Al-shabaab fikirkooda gurracan ee lagu soo dhex qariyay ka been sheegidda Diinta Islaamka waa mid ku dhisan suurad xumeynta iyo baabi’inta Dal,Diin,duunyo,Dhaqan iyo wax kasta oo baadi sooc u ahaa ummadda Soomaaliyeed, iyagoo beegsi aan xishood lahayn kula dhaqaaqay bur burinta goobaha cibaadada, masaajida, Dugsiyada qur’aanka, goobaha waxbarashada, caafimaadka ceelasha biyaha, waddooyinka halbowlaha u ah Bulshada iyo wax kasta oo furo u ahaa nolosha.
Dadka sida dhow ula socda bilowga fikirka Al-shabaab iyo halka laga soo raray ayaa sheegay in aragtida fowdada gaaleysiinta,daadinta dhiigga,dhaca hantida dadka iyo sameynta falkasta oo laga argagaxo iyo gabaad ka dhigashada Diinta ay tahay wax ka badan wax ka soo fula maanka horjoogayaasha Soomaalida ee Al-shabaab ka tirsan,kuwaas oo aan si ka fiirsi lahayn u fuliya ficilna u roga hadba waxa ay u yeeriyaan shisheeyaha argagixisada caalamiga ah ee maleeshiyada u jeexa dariiqa ay ku ambadeen ee taga cadaabta.
Markii ay shacabka ku baraarugeenna in argagixisada Al-habaab ka been sheegaan Diinta iyo dhaqanka suuban ee Islaamka oo ay ku banneystaan nafta iyo maalka ummadda Soomaaliyeed mar qura ayay dagaallo abaabulan oo hubeysan kala hortageen,iyagoo garab ka helaya qeybaha kala duwan ee ciidamada xoogga Dalka, waxayna garowsadeen in ay iska shicin karaan kana xoreyn karaan deegaannadooda, taas oo horseeday in goobo badan oo dalka ka mid ah laga saaray Khawaarijta.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dhowaan dadka Soomaaliyeed u dabaaldegi doonaan maalin weyn oo ku suntan dalkan oo Khawaarij la’aan ah.
” Walaalayaal waad ogtihiin dalku xaalad dagaal ayuu ku jiraa, cadow aan ummaddam jiritaankeeda iyo Diinteeda,Dalkeeda iyo dadkeeda midna aanay waxba ku faleyn ayaa dagaal kula jirnaa,ummadda Soomaaliyeed ayaa kula jirta, ma ahan Dowlad kaliya,shacabkana cadowga waa u muujisay inaanay raali ka ahayn, aanay rabin qasabna ku haysan karin oo ku dul fadhiyi karin, ummadda meel kasta oo joogto waa ay fahmeen, cadowgana maalmihiisii ugu dambeeyay ayuu ku jiraa, waxaa noo soo muuqata maalin weyn oo ah Dalkan oo Shabaab la’aan ah,” ayuu yiri madaxweynaha.
Khawaarijta Al-shabaab ayaa hadda wajahaya culeyskii ugu weynaa ee abid ay la kulmaan, waxaana lagu soo waramayaa in horjoogayasha iyo maleeshiyadood ay go’doon ku yihiin qaar ka mid ah gobollada dalka.